Sveriges 100 mest populära podcasts

Maamul Wanaag

Maamul Wanaag

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast. 

Prenumerera

iTunes / Overcast / RSS

Webbplats

somalipublicagenda.org

Avsnitt

Difaaca Madax-bannaanida Soomaaliya

1-dii Janaayo ee sanadkan, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa is-afgarad la saxiixday Madaxweynaha Soomaaliland Muse Biixi Cabdi. Inkastoo aanan la faafin nuqulka is-afgaradka la saxiixay, waxaa ugu muhiimsanaa in uu dhigayay in Itoobiya ay aqoonsaneyso Soomaaliland iyadoo taas beddelkeeda saldhig ciidan bad & 20 kiiloomitir oo dhul ah laga kireynayo Itoobiya muddo 50 sano ah.  

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaallo badan gashay markii uu soo if-baxay is-afgaradka iyadoo ku guuleysatay in dalal badan & ururro dowli ah ay taageeraan madaxbannaanida Soomaaliya. Dadaallada la sameeyay waxaa kamid ah in la dhisay Guddiga Difaaca Madax-bannaanida Soomaaliya. 

Qeybtan 39-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Cabdiraxmaan Caynte oo ah Isuduwaha Guddiga Difaaca Madax-bannaanida Soomaaliya iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya waxa ay ku gorfeynayaan dadaallada guddiga ee difaaca madax-bannaanida Soomaaliya.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2024-07-23
Länk till avsnitt

Sidee loo xallin karaa khilaafyada siyaasadeed ee Hirshabeelle?

Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha shacabka loogu qabto magaalada Jowhar. Khilaafyo siyaasadeed ayaa ka dhashay sida labada gobol iyo beelaha deggan u wadaagayaan awoodaha maamulka. Khilaafyadaas siyaasadeed ayaa dib-u-dhac ku keenay horumarro badan oo laga sameyn lahaa dowlad-goboleedka.

Qeybtan 38-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Maxamed Mukhtar Ibrahim oo ah wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo sidoo kale si gaar ah u hoggaaminayay dadaallo lagu raadinayay xal-u-helidda khilaafka siyaasadeed ee Hirshabelle waxa ay ku falanqeynayaan fursadaha jira iyo siyaabaha looga heshiin karo arrimaha la isku hayo.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2024-06-13
Länk till avsnitt

Geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya labo sano kadib

17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka 4-aad iyadoo wax-ka-beddel lagu sameynayo sharciyada qaar kadibna la dhisayo guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha.

Siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku dhaliilay qodobbada kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Isla bishan May sanadkii hore ayay xubnaha Golaha gaareen heshiiska doorashada. Qeybtan 37-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Farxaan ISxaaq Yuusuf ayaa ku falanqeynaya geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya labo sano kadib. 

 

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2024-05-21
Länk till avsnitt

Gorfeyn Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee Sanadka 2024

Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2024 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah bishii Diseembar 2023. Miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2024 ayaa markii ugu horreysay gaartay $1 billion. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ?ku tiirsanaanta awooddeena dakhli?, 67% miisaaniyadda ayaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha oo ku bixinaya taageero mashaariic iyo kab miisaaniyadeed. Dakhliga gudaha ee la filayo ayaa ah 33%.  

24.5% waxay ku bixi doontaa hay?adaha difaaca iyo amniga, halka 22.3% loo qoondeeyay hay?adaha horumarinta dhaqaalaha; 20% miisaaniyada ayaa loo qorsheeyay gaarsiinta adeegga bulshada. Qeybtan 36-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Farxiya Maxamuud ayaa ku falanqeynaya miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2024 ee amniga, horumarka dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada.  

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2024-04-28
Länk till avsnitt

Doorashooyinka & Wax-ka-beddelka Dastuurka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo gabagabeeyay ka doodista 4 cutub oo kamid ah dastuurka oo loosoo gudbiyay 12-kii February. Baarlamaanka ayaa cutub kasta ka dooday dhowr maalmood. Cutubyadan ayaa wax-ka-beddel lagusoo sameeyay waxaana kasoo shaqeeyay guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka. 28-kii Maarso, nuqul wax-ka-beddel lagu sameeyay ayaa loo qeybiyay xildhibaannada baarlamaanka iyadoo 30-ka Maarso loo jadwaleeyay u codeynta afarta cutub.  

Cutubka 4-aad waxa uu ka hadlayaa arrimaha la xiriira doorashooyinka. Waxa uu ka kooban yahay 15 qodob. 14 qodob ayaa cusub. Cutubkan ayaa dhaliyay doodo iyo diidmo ka timid qaar kamid ah xildhibaannada iyo siyaasiyiin ay kamid yihiin labo madaxweyne hore. Somali Public Agenda & Somali Dialogue Platform ayaa daabacay warbixin gorfeyneysa cutubka afaraad ee dastuurka.

Podcast-gan waxa lagu falanqeyneynaa dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka ee uu khilaafka ka jiro. Waxaa marti ku ah Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka. Xuseen waxa uu horey uga mid ahaa Aqalka Sare iyo Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka, waxa uuna dhawaan ahaa Agaasimaha Madaxtooyada.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2024-03-29
Länk till avsnitt

Gorfeyn Is-afgaradka Itoobiya & Soomaaliland

1-dii January ee sanadkan 2024, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biix Cabdi ayaa Is-Afgarad ku saxiixay magaalada Addis Ababa. Inkastoo aanan la faafin is-afgaradka, macluumaadka la helay ayaa sheegaya in Itoobiya muddo 50 sano ah laga kireynayo 20 kilomitir oo dhul ah iyo saldhig ciidamadeeda badda. Soomaaliland ayaa la sheegay in ay ku beddelaneyso ictiraaf ay ka hesho Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ururrada gobolka iyo dalal badan ayaa ka hadlay kanasoo horjeestay is-afgaradka.

Podcast-gan waxa ay Dr. Axmed Cali Khayre oo ah Cilmibaare iyo lataliye arrimaha sharciga & Mahad Waasuge ku falanqeynayaan nuxurka is-afgaradka, fasiraadda sharci ee loo sameyn karo, iyo tallaabooyinka sharci ee u furan Soomaaliya. 

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2024-01-15
Länk till avsnitt

Soomaaliya: Dib-u-heshiisiin mise Dhab-u-heshiisiin?

Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan; ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku yaalla magaalooyinka iyadoo dadka oo dhan aanay dacwadahooda geysan. Odayaasha dhaqanka ayaa qeyb weyn ka qaata xallinta khilaafyada.

Podcast-gan waxa ay Jaamac Cigaal oo khabiir ku ah arrimaha dib-u-heshinta iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan sababaha aanay dib-u-heshiisiin dhab ah uga dhicin Soomaaliya iyo dhabbaha ay tahay in loo maro.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2023-11-07
Länk till avsnitt

Is-beddelka siyaasadeed ee Laascaanood

Is-beddel siyaasadeed ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ah caasimadda gobolka Sool. Tan iyo sanadkii 2007, Soomaaliland ayaa maamuleysay magaalada. Dibadbaxyo isku beddelay dagaal oo ka dhashay dilal ka dhacay magaalada ayaa billowday horraantii sanadkan. Muddo ayay magaalada ka jireen dagaallo iyo duqeymo ay dad badan ku dhinteen dad kalena ku dhaawacmeen sidoo kalena kumannaan qoys ku barakeceen. Dhawaan dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada kadib waxaa gacan kuheynta gobolka Sool la wareegay ciidamada SSC Khaatumo. 

Hoggaamiyaha maamul cusub oo loo sameeyay SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa dhawaan yimid Muqdisho. Madaxa maamulka cusub oo si weyn loogusoo dhaweeyay Muqdisho ayaa la kulmay masuuliyiinta dowladda federaalka.

Podcast-gan waxa ay Dr Cabdifataax Daahir iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan is-beddelka siyaasadeed ee Laascaanood. Dr. Cabdifataax waa aqoonyahan horey usoo noqday xildhibaan katirsan baarlamaanka federaalka oo metelayay gobollada Soomaaliland. Waxa uu hadda cilmibaare ka yahay Jaamacadda Manchester. 

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2023-10-16
Länk till avsnitt

Ballaarinta Ka-qeybgalka Siyaasadda Soomaaliya

Doorasho toos ah oo ay dadweynaha soo doortaan hoggaankooda heer federaal kama dhicin Soomaaliya. Kaa qeybgalka haweenka iyo guud ahaan bulshada ee arrimaha siyaasadeed ee muhiimka ah noloshoodana saameynta weyn ku leh ayaa xaddidan.

Dhawaan Somali Public Agenda iyo Raagsan waxa ay la daabaceen Somali Dialogue Platform labo cilmibaaris oo lagu eegay heerka ka qeybgalka haweenka iyo guud ahaan bulshada ee arrimaha siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka.

Podcast-gan, oo ay iska kaashanayaan Somali Public Agenda & Somali Dialogue Platform, waxa ay Badra Yuusuf (Agaasimaha Raagsan) iyo Mahad Waasuge (Agaasimaha Somali Public Agenda iyo martigeliyaha Maamul Wanaag Podcast) ku falanqeynayaan nuxurka natiijada kasoo baxday labada cilmibaaris.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2023-10-09
Länk till avsnitt

Hiigsiga Qarni-jirka Soomaaliya ee 2060

37 sano kadib, Soomaaliya waxaa u buuxsami doonto 100 sano oo dowladnimo ah. Dalka waxa uu xurnimo qaatay 63 sano kahor sanadkii 1960-kii. 30 sano oo ay dowlado rayid ah iyo mid militari dalka maamulayeen kadib, Soomaaliya waxa ay dowladdii ka burburtay sanadkii 1991. Dowladdii ugu horreysay ee aan kumeelgaar ahayn waxaa Muqdisho lagu dhisay sanadkii 2012. Waxaa madaxweyne ka noqday madaxweynaha hadda talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ku howlan Hiigsiga Qarni-jirka 2060. Waxaa hiigsigaas gacanta ku haya la-taliyaha Madaxweyneha ee arrimaha dhaqaalaha oo sido kale ah Agaasimaha Fulinta ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka Xasan Aadan Hoosoow.

Qeybtan 30-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Xasan Aadan Xoosoow iyo Mahad Waasuge waxa ay ku falanqeynayaan hiigsiga qarni-jirka Soomaaliya ee 2060.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2023-08-20
Länk till avsnitt

Puntland 25 sano kadib

1-dii August 1998 ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Puntland. Waxaa u buuxsantay 25 sano. Marxalado kala duwan ayay soo martay Puntland 25-taas sano oo ay shaqeyneysay. Sanadkii 2021 markii ugu horreysay ayay doorashooyin heer degmo  ah oo toos ah ka billowdeen 3 degmo oo katirsan Puntland. 

Podcast-gan waxa ay Cali Xaaji Warsame oo wasiir waxbarasho kasoo noqday Puntland sidoo kalena isku sharraxay madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 2017 iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan  geeddi-socodkii Puntland 25-kii sano ee lasoo dhaafay, marxaladda ay maanta joogto iyo mustaqbalka.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2023-08-02
Länk till avsnitt

Sare-u-qaadista Daahfurnaanta, Isla-xisaabtanka iyo Maamul Wanaagga Hay?adaha Dowladda Soomaaliya

Dadaallo la xiriira la dagaallanka musuq maasuqa ayaa ka billowday Soomaaliya. Markii ugu horreysay baaritaanno fatash ah oo lagu sameeyay howlwadeenno katirsan dowladda ayaa bulshada lala wadaagay. Xubno katirsan dadka baaritaannada lagu sameeyay ayaa hadda xabsiyada ku jira halka qaar kale oo ka maqan dalkana looga yeeray Maxkamadda Gobolka Banaadir. Dadaalladan ayaa u muuqda kuwo bilow u ah sare-u-qaadista daahfurnaanta iyo maamul wanaagga hay?adaha dowladda. 

Podcast-gan waxaa marti ku ah Dr Cali Ciise oo ah Agaasimaha Horn Economic and Social Policy Institute (HESPI) oo ay xaruntiisu tahay magaalada Addis Ababa. Waxa ay podcast-gan  Dr Cali Ciise iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan  sida sare loogu qaadi karo hufnaanta iyo maamul wanaagga hay?adaha dowladda Soomaaliya.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2023-07-15
Länk till avsnitt

Dib-u-habeynta Hay?adaha Dowladda Colaadaha Kadib

Tan iyo burburkii dowladdii militariga sanadkii 1991, dowladnimada Soomaaliya geeddi-socod dheer ayay soo martay. 23 sano kadib markii dowladdii kumeelgaarka ah ee ugu horreysay lagu dhisay Djibouti, weli hay?adaha dowladda waa kuwo nugul, oo aan adeegyadii looga baahnaa qabanin.  

Podcast-gan waxa ay Dr Axmed Cali Khayre iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan dhabbaha ay tahay in loo mari dib-u-habeynta hay?adaha dowladda colaadaha kadib. Dr Ahmed Ali Khayre waa cilmibaare iyo lataliye arrimaha sharciga. Shahaadada PhD-da ee sharciga caalamiga ah ayuu Dr Khayre ka qaatay kuliyadda sharciga ee Birkbeck, University of London.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2023-06-14
Länk till avsnitt

Heshiiska Siyaasadeed ee Jubaland

Tan iyo markii la yegleelay Jubaland, khilaafyo siyaasadeed iyo xaalado amni ayuu maamulka wajahayay. Muddo xileedka madaxweynaha ayaa hadda khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay. Howlgallo amni oo la qorsheynayo in ay ka billowdaan deegaannada Jubaland ayaa sidoo kale jira. 

Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxaa lagu falanqeyneynaa nuxurka daraasad uu dhawaan daabacay Machadka Rift Valley oo falanqeyneysay heshiiska siyaasadeed ee Jubaland. Waxaa marti ku ah Khaliif Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo ah cilmibaare katirsan London School of Economics (LSE) kana mid ahaa qorayaasha warbixinta. 

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2023-06-01
Länk till avsnitt

Falanqeyn Heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee Baydhabo

Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa guddi farsamo u saaray in ay dib-u-eegis ku sameeyaan heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Xubnaha guddiga farsamo ayaa kulmay intii u dhexeysay 16 iyo 18 Janaayo 2023, waxa ayna dib-u-eegis ku sameeyeen heshiiskii qaab-dhismeedka amniga qaranka ee 2017. 

Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo 15-17 Maarso ee sanadkan ayaa saxiixay heshiis cusub ee qaab-dhismeedka amniga qaranka. 

Podcast-gan waxaa lagu  falanqeyneynaa nuxurka heshiiska qaab-dhismeedka amniga qaranka ee lagu saxiixay magaalada Baydhabo. Waxaa marti iigu ah Kamal Gutale oo ah la taliyaha amniga ee Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Waxa uu Kamal sidoo kale kamid ahaa guddigii farsamo ee kasoo shaqeeyay heshiiska.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2023-05-09
Länk till avsnitt

Falanqeyn miisaaniyadda 2023 ee dowladda federaalka Soomaaliya

Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2023 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah 28-kii December 2022. Miisaaniyadda 2022-ka waa $977 million, 4.9% ayaa lagu kordhiyey miisaaniyaddii sanadkii 2022 oo ahayd $929.9 milyan. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ?ku tiirsanaanta awooddeena dakhli?, 68 boqolkiiba miisaaniyadda ($667 milyan) ayaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha oo ku bixinaya taageero mashaariic ($496 milyan ama 50%) iyo kab miisaaniyadeed ($170 milyan ama 17%).  Dakhliga gudaha ee la filayo ayaa ah $283 million, or 29 percent.

26.6% miisaaniyada ayaa loo qorsheeyay gaarsiinta adeegga bulshada; 20% waxay ku bixi doontaa hay?adaha difaaca iyo amniga, halka 17% loo qoondeeyay hay?adaha horumarinta dhaqaalaha.

Podcast-gan waxa ay Farxiya Maxamuud iyo Mahad Wasuge ku falanqeynayaan miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2023 ee amniga, adeegyada bulshada, iyo horumarka dhaqaalaha. 

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2023-04-19
Länk till avsnitt

Heshiiska Siyaasadeed ee Hirshabeelle

Bishii October ee sanadkii 2016 ayaa si degdeg ah loo dhisay dowlad-goboleedka Hirahabeelle. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd loogu qabto magaalada Jowhar.

Jowhar waxa ay noqotay caasimadda dowlad-goboleedka halka madaxweynahana uu kasoo jeeday gobolka Hiiraan. Iyadoo ay khilaafyo ragaadiyeen maamulka, ayaa bishii Nofeembar 2020 madaxweynaha dowlad- gobolleedka loo doortay Cali Cabdullaahi Xuseen ?Guudlaawe? oo kasoo jeeda gobolka Shabeellada Dhexe.

Khilaafyo siyaasadeed ayaa dib-u-dhac ku keenay horumarro badan oo laga sameyn lahaa dowlad-goboleedka. Daraasad ay si wadajir ah dhawaan u daabaceen Somali Public Agenda iyo Somali Dialogue Platform ayaa lagu falanqeeyay caqabadaha heysta dowlad-goboleedka iyo sida loo xallin karo.

Podcast-gan waxa ay  qoraaga daraasadda Farxaan Isaaq Yuusuf iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan ?Heshiiska siyaasadeed ee Hirshabeelle: Fursadaha lagu dhalin karo hannaan siyaasadeed oo loo dhanyahay?. 

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2023-03-25
Länk till avsnitt

Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Puntland

Sanadkii 2021, Puntland waxaa ka dhacay doorashooyin dowladaha hoose oo ka qabsoontay 3 degmo. Waxa ay ahayd markii ugu horreysay oo ay doorasho heer degmo ah ka dhacdo Puntland. Qorshihii ahaa in doorashada laga qabto degmooyinka haray dib ayuu u dhacay. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa musharrax madaxweyne doorashadii madaxweynaha dalka ee dhacday bishii May ee sanadkii hore. Muddo xileedka madaxweynaha oo 5 sano ah ayaa ay hal sano ka harsan tahay.

Podcast-gan waxa ay Mahad Waasuge iyo Feysal Qaran oo ah madaxii hore ee Dallada Bulshada Rayidka ee Puntland  ku falanqeynayaan  doorashooyinka heer degmo iyo heer dowlad-goboleed ee Puntland, dadaallada socda, caqabadaha iyo xalka.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2023-01-25
Länk till avsnitt

Xulashooyinka lagu xallin karo maqaamka Muqdisho

Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii Ogosto 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay balse maqaamka caasimadda weli lama caddeynin.

Qodobka 9-aad ee dastuurka ayaa sheegaya in arrinta maqaamka caasimadda lagu xallin doono xeer baarlamaan, balse 10 sano kadib, baarlamaanka horumar weyn kama sameynin arrinkan. Maqaamka Muqdisho waxa ay kamid tahay arrimaha taagan oo dib u dhigaya qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka.

Dhawaan Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda waxa ay wada daabaceen faallo qoto-dheer ee uu cinwaankeedu yahay ?Xulashooyinka lagu xallin karo maqaamka Muqdisho?. Faallada waxa ay soo bandhigtay saddex xulasho oo midkood lagu xalin karo maqaamka Muqdisho.

Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxaa lagu falanqeynayaa  nuxurka warbixinta iyo qaababka kala duwan ee loo qeexi karo maqaamka caasimadda. Waxaa marti ku ah Cismaan Muxudiin Macallin (Shaatax) oo madax u ah dallada ururrada bulshada rayidka ee SONSA iyo Iimaan Nuur Iikar oo horey usoo noqday guddoomiye kuxigeenka gobolka Benaadir. 

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-12-10
Länk till avsnitt

Xulashooyinka awood qeybsi ee nidaamka federaalka Soomaaliya ?

Soomaaliya markii ugu horreysay waxa ay nidaam federaaal si kumeelgaa ah u qaadatay sanadkii 2004. Madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland oo la dhisay sanadkii 1998 ayaa noqday madaxweynihii dowladdii federaalka kumeelgaarka ee lagu dhisay Kenya sanadkii 2004. Kadib sanado badan oo lagu howlanaa qoridda dastuur federaal ah, Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii August 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay.

Balse arrimo muhiim u ah qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka ayaanan weli laga heshiinin oo ay kamid tahay sida awoodaha fulinta loogu qeybnayo heerarka kala duwan ee dowladda.

Dhawaan Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda waxa ay wada daabaceen faallo qoto-dheer ee uu cinwaankeedu yahay ?Xulashooyinka awood qeybsi ee nidaamka federaalka Soomaaliya?. Faallada waxa ay soo bandhigtay saddex nooc oo awood qeybsiga loo nidaamin karo.

Podcast-gan waxa aan ku falanqeyneynaa nuxurka warbixinta iyo nooca awood qeybsi ee ku habboon Soomaaliya. Waxaa marti ku ah Maamul Wanaag Podcast Axmed Cabaas (Gacma-gaab) oo ah la taliyaha arrimaha federaalka ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Dhagey) oo la taliye sare arrimaha talinta sharciga (rule of law) ee xafiiska Raysal Wasaaraha. 

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-11-10
Länk till avsnitt

Policy options for agreeing a model for fiscal federalism

Somalia first formally adopted a federal model in 2004 with the establishment of the Transitional Federal Government. Since then, federalism has been deepened and clarified with the adoption of the Provisional Federal Constitution in 2012 and the subsequent formation of the country?s Federal Member States (FMS). 

However, important parts of Somalia?s federal model remain undefined, including agreement on a model for fiscal federalism. This is a critical pillar of the federal architecture, as it ultimately defines the level of autonomy Federal Member States will have in relation to the Federal Government of Somalis (FGS). This makes the fiscal federalism model a contentious issue, with FMS seeking to maximize their autonomy and the FGS seeking to assert greater control. 

The Somali Dialogue Platform and Kulan Consulting recently published a policy paper outlining options for fiscal arrangements within Somalia?s federal model. In this episode, Hodan Osman, a co-author of the policy paper, and Mahad Wasuge discuss the options for agreeing on a fiscal arrangement and the political processes necessary to address this contentious issue.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-11-02
Länk till avsnitt

Soo nooleynta wada-xaajoodka arrimaha siyaasadda ee la isku hayo

Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii August 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay. Balse arrimo muhiim u ah qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka ayaanan weli laga heshiinin sida Maqaamka Muqdisho, awood qeybsiga, federaaleynta nidaamka maaliyadda, nooca garsoorka, naqshadda amniga qaranka iyo arrimo kale. 

Dhawaan Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda waxa ay wada daabaceen faallo qoto-dheer ee uu cinwaankeedu yahay ?Soo nooleynta wada-xaajoodka arrimaha siyaasadda ee la isku hayo?. Faallada waxa ay soo bandhigtay hannaan loo dhan yahay ee looga wada hadli karo loogana heshiin karo arrimaha la xiriira federaalka ee uu khilaafka ka jiro. 

Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxa ay Maxamed Keynaan iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan  nuxurka warbixinta iyo habka wada-xaajoodka ee lasoo jeediyey.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-10-16
Länk till avsnitt

Ma la joogaa wakhtigii dib-u-eegis lagu sameyn lahaa Naqshadda Amniga Qaranka ee lagu heshiiyey 2017?

Bishii May ee 2017, madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa Naqshadda Amniga Qaranka ugasoo heshiiyey shir ka dhacay London. Balse inta laga fuliyey heshiiskaas ayaa aad u kooban. 

Shan sano kadib, bishii May 2022, madaxweyne Xasan Sheekh ayay labada gole ee baarlamaanka doorteen. Dagaallo ay qeyb ka yihiin Macawiisleey ayaa sidoo kale ka billowday qeybo kamid ah Soomaaliya.

Somali Dialogue Platform (Madasha Wadahadalada Somaaliyeed) oo ah mashruuc uu fuliyo Machadka Rift Valley ayaa dhawaan daabacay warbixin ku saabsan dib-u-eegista uu u baahan yahay in lagu sameeyo Naqshadda Amniga Qaranka.

Podcast-gan, waxa Cabdi Caynte iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan nuxurka warbixintaas,  in la joogo wakhtigii dib loo eegi lahaa Naqshadda Amniga Qaranka iyo heshiis amni noocee ah ayaa loo baahan yahay wakhtigan.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-09-25
Länk till avsnitt

Raadka uu Talyaaniga ku leeyahay dowladnimada Soomaaliya (Qeybta 2-aad)

Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in ay Maxmiyad/Trusteeship muddo toban sano ah ku heyso dowladda Talyaaniga oo aan markaas xubin ka ahayn Qaramada Midoobay. Muddadii uu Talyaaniga maamulayay Soomaaliya waxa uu qaabeeyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtan 2-aad ee wareysiga aan la yeelannay taariikhyahan Dr Maxamed Xaaji Mukhtaar waxa aan ku falanqeyneynaa waxyaabihii uu qabtay Talyaaniga muddaddii 10-ka sano ahayd ee uu maamulayay Soomaaliya iyo waxyaabaha laga dhaxlay oo ilaa maanta dowladnimada Soomaaliya ka dhex muuqda.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-08-06
Länk till avsnitt

Raadka uu Talyaaniga ku leeyahay dowladnimada Soomaaliya (Qeybta 1-aad)

Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in ay Maxmiyad/Trusteeship muddo toban sano ah ku heyso dowladda Talyaaniga oo aan markaas xubin ka ahayn Qaramada Midoobay. Muddadii uu Talyaaniga maamulayay Soomaaliya waxa uu qaabeeyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtan 1-aad ee wareysiga aan la yeelannay taariikhyahan Dr Maxamed Xaaji Mukhtaar waxa aan ku falanqeyneynaa sida uu Talyaaniga ku yimid Soomaaliya iyo sidii uu ugu fiday dhulka Soomaalida.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-07-20
Länk till avsnitt

Historical Roots and Legacies of Somalia?s Current Governance Systems I Lee Cassanelli & Mahad Wasuge

Somalia?s current institutional structure and governance system is shaped by the pre-colonial and colonial legacies. The British And Italian administrations who administered the Italian Somaliland and British protectorate before the independence in 1960 established systems that are still evident in Somalia public institutions. The Soviet Union, Egypt, the USA and other countries who supported Somalia?s security institutions, education and other sectors also left legacies in Somalia?s public sector.  

In this podcast, Professor Lee Cassanelli who wrote several history books about Somalia and Mahad Wasuge discuss the historical legacy of Somalia?s current governance systems.  

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-07-04
Länk till avsnitt

Dhismaha Golaha Wasiirrada Soomaaliya

Labaatankii sano ee ugu dambeysay, madaxweynayaashii dalka waxa ay is khilaafeen raysal wasaarayaashii waxana ay magacaabeen 2-3 raysal wasaare. Xubnaha golaha wasiirrada ee la magacaabayay ayaa sidoo kale tiro ahaan kala duwanaa. 

Dhawaan waxaa la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh. Gole wasiirro ayaa dhawaan la magacaabi doonaa. Podcast-gan waxa lagu falanqeyneynaa dhismaha xukuumadda xigta ee Soomaaliya.

Waxaa marti ku ah Maamul Wanaag Podcast Dr Afyare Cabdi Cilmi oo ah Agaasimaha Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda. Waxa uu Dr Afyare kamid yahay qorayaasha warbixin uu machadku daabacay ee lagu falanqeeyay dhismaha golaha wasiirrada. 

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-06-26
Länk till avsnitt

Soo-saarista, Maareynta, iyo Qeybsiga Shidaalka Soomaaliya

Waxaa la aaminsan yahay in Soomaaliya uu ku jiro shidaal badan bad iyo barriba. Sahminta shidaalka Soomaaliya waxa ay soo billaabatay tobaneeyo sano kahor.  Dhawaan Wasiirka Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa heshiis la saxiixay shirkad lagu magacaabo Coastline Exploration LTD taasi oo ay shidaal ugasoo saareyso 7 xirmood oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya. Heshiiskaas xafiiska madaxweynaha iyo kan Ra'isul wasarahuba waa diideen jiritaankiisa iyo ogaanshiyihiisa.

 Podcast-gan waxa lagu falanqeyneynaa shidaalka Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira. Waxaa marti ku ah Maxamed Mukhtar oo ah wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-06-12
Länk till avsnitt

Cadaaladda Xilliga Kala Guurka I Dr Axmed Cali Khayre & Mahad Waasuge

Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku yaalla magaalooyinka iyadoo dadka oo dhan aanay dacwadahooda geysan. Odayaasha dhaqanka ayaa qeyb weyn ka qaata xallinta khilaafyada.

Marka dowlad burburtay dib loo dhisayo, mid kamid ah siyaabaha xal loogu helo dhibaatooyinkii dhacay waxaa loo yaqaannaa Cadaaladda Xilliga Kala Guurka oo afka Ingiriirka lagu yiraahdo Transitional Justice. Podcast-gan waxa ay Dr Axmed Cali Khayre iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan cadaaladda xilliga kala guurka iyo sida colaadihii dhacay loo bogsiin karo.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-05-29
Länk till avsnitt

Doorashada Kadib: Arrimaha Mudnaanta U Leh Soomaaliya

Doorashadii guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lasoo gebagabeeyay. 39 musharrax oo u tartamayay madaxweynaha Soomaaliya ayaa is diiwaangelisay khudbadana u jeedisay baarlamaanka. 15-ka May, maalinta Axadda, ayuu dalku yeelanayaa madaxweyne hoggaamiya 4-ta sano ee soo socota.

Podcast-gan waxa ay Dr. Axmed Cali Khayre iyo Mahad Waasuge ku falanqeyneyaan arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya oo ay tahay in dowladda cusub ka shaqeyso.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-05-14
Länk till avsnitt

Doorashada 16-ka Kursi ee Golaha Shacabka ee Gobolka Gedo

14-kii April waxaa la dhaariyey inta badan xubnihii la doortay ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Isla maalintaas, Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray warqad uu doorashada 16-ka kursi ee horey loogu heshiiyay in lagu doorto magaalada Garbahaareey ugu wareejinayo degmada Ceel Waaq oo isla gobolka Gedo ka tirsan. Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa soo dhaweeyay go?aanka guddiga.

Guddiga Hirgelinta Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Jubaland ayaa sidoo kale soo saaray isla maalintaas in doorashada 16-ka kursi lagu qaban doono Ceel Waaq inta u dhexeysa 18-ka ilaa 27-ka April.

Podcast-gan waxa aan si gaar ah ugu eegeynaa  doorashada 16-ka kursi ee golaha shacabka ee  gobolka Gedo.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-04-24
Länk till avsnitt

Qoondada Haweenka ee Doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Doorashada Soomaaliya waxa ay mareysaa heer gebogebo ah. Dhowr iyo labaatan xildhibaan ayaa hartay doorashadooda. Jowhar iyo Garbahaareey keliya ayay kuraas ku harsan yihiin iyadoo doorashada goobaha kale lasoo dhameeyay.

Xubno badan oo katirsan labada aqal ee baarlamaanka ayaa qaatay shahaaddada xildhibaannimo iyadoo la qorsheynayo in xildhibaannada la dhaariyo 14-ka April. 

Kuraasta ay ku fadhiyeen haweenka oo sanadkii 2016 ahaa 82 ama 24% ayaa hadda hoos u dhacday iyadoo ilaa hadda qiyaastii 50 haween ay kusoo biireen baarlamaanka 11-aad. 

Podcast-gan waxa aan si gaar loogu falanqeynayaa qoondada haweenka ee doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-04-10
Länk till avsnitt

Kaalinta uu Turkiga ku Leeyahay Bixinta Adeegyada Bulshada iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale ee Muqdisho

Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday warbixin iftiimineysa kaalinta hay?adaha Turkiga ee bixinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo kaabayaasha Muqdisho gaar ahaan jidadka laamiga ah iyo dhismayaasha.

Warbixinta waxa wada qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime kuxigeenka Somali Public Agenda, Mahad iyo Maxamed Sharif oo ah cilmibaare katirsan SPA.  


Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-04-04
Länk till avsnitt

Kaalinta Bulshada Rayidka ee Hufnaanta Doorashada Golaha Shacabka

Doorashada Soomaaliya waxa ay mareysaa meel dhexe. In ka badan 100 xildhibaan ayaa la doortay. Muddada lagu heshiiyay 9-kii January 2022 waxa ay ahayd in 25-ka February lagusoo qabagabeeyo doorashada. 

Podcast-gan waxa aan si gaar ah ugu eegeynaa  kaalinta bulshada rayidka ee doorashada. Waxaa marti ku ah Sainab Xasan iyo Axmednur Cabdullahi Axmed.

Sainab Xasan waa Aasaasaha iyo Agaasimaha Guud ee Somali Gender Equity Movement. Axmednur Cabdullahi Axmed waa mid kamid ah culimada Soomaaliyeed. Labadooduba waxa ay xubno ka yihiin Guddiga Bulshada Rayidka ee Hufnaanta iyo Ilaalinta Habraaca Doorashooyinka 

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-02-14
Länk till avsnitt

Hirgelinta doorasho wakhtigeeda ku dhacda, daah furan, loona dhanyahay

9-kii January, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo saaray heshiis ka kooban 18 qodob oo la xiriira dhameystirka doorashada Golaha Shacabka. Heshiiskaas kadib, waxaa billowday dardargelinta doorashada iyadoo lasoo saaray liiska kuraas badan oo qaarkood la doortay qaarna la filayo in dhawaan la doorto.

Sidoo kale cabashooyin ku aaddan maareynta kuraasta ayaa kasoo yeertay qaar kamid ah musharraxiinta. 

Podcast-gan waxa ay Cabdi Ceynte iyo Mahad Waasuge falanqeynayaan xaaladda hadda ee doorashada, wakhtiga doorashada loo qabtay in lagusoo gebagebeeyo, hufnaanta doorashada iyo suurtagalnimada in doorashada lagu qabto labada deegaan doorasho ee dowlad-goboleedyada. 

Podcast-gan waxa aan iska kaashaneynaa Somali Dialogue Platform (Madasha Wadahadalada Somaaliyeed) oo ah mashruuc uu fuliyo Machadka Rift Valley.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-01-26
Länk till avsnitt

Falanqeyn Doorashooyinka Soomaaliya iyo Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran

Podcast-ga waxaa marti ku ah Maxamed Cabdirisaq. Maxamed Cabdirisaaq waa wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Muddo dheer ayuu kasoo shaqeeyay  arrimaha dimoqraadiyeynta Soomaaliya iyo geeska Afrika.

Podcast-gan waxa ay Mahad Waasuge iyo Maxamed Cabdirisaaq ku falanqeynayaan doorashooyinka Soomaaliya iyo heshiiskii uu dhawaan gaaray Golaha Wadatashiga Qaran. 


Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2022-01-16
Länk till avsnitt

Falanqeyn dib usoo laabashada Ahlu Sunna Wal Jamaaca: arrimaha sahlay, fursadaha la lumiyay iyo xalka

Dhawaan waxa aan daabacnay warbixin iftiimineysa sababaha dib usoo laabashada ASWJ ee Galmudug. Warbixinta waxa qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime kuxigeenka Somali Public Agenda.  

Podcast-gan Farxaan Isaaq Yuusuf iyo Mahad Waasuge ayaa ku falanqeynaya  nuxurka warbixinta. 

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2021-12-23
Länk till avsnitt

Falanqeyn Howlgalinta Xarumo Naqshadeeya Siyaasadaha oo Isku-xira Dowladda iyo Baahida Dadweynaha

Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda  daabacday warbixin iftiimineysa howlaha Xarumaha Naqshadeeya Siyaasadda iyo Adeegyada Bulshada. Warbixinta waxa qoray Aweis Ahmed Mohamed oo ah agaasimaha SPA Center for Public Policy and Service Design.  

Podcast-gan waxa Aweys Axmed Maxamed iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan Howlgalinta Xarumo Naqshadeeya Siyaasadaha oo Isku-xira Siyaasada Dowladda iyo Baahida Dadweynaha Soomaaliya.

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2021-09-20
Länk till avsnitt

Falanqeyn Hannaanka Federaaleynta Maaliyadda Soomaaliya

Dhawaan waxa aan daabacnay daraasad muddo sanad ah socotay oo lagu baarayay hannanka maaliyadda federaalka Soomaaliya. 

Cilmibaaristaas waxa hoggaaminayay  Farxaan Isaaq Yuusuf oo ah Agaasime Kuxigeenka Somali Public Agenda. Farhan iyo aniga oo warbixinta wada qornay ayaa ka sheekeysan doonno nuxurka natiijada kasoo baxday cilmibaarista. 

Contact Somali Public Agenda?s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

2021-08-23
Länk till avsnitt
Hur lyssnar man på podcast?

En liten tjänst av I'm With Friends. Finns även på engelska.
Uppdateras med hjälp från iTunes.