Waxaan marka ugu horreeya ku billaabi doonaa safarkeenna quruxda badan ku raaxaysiga nolosha, in aan daawo u helno muruggada aan dareemayno. Waxaan qaybtan kuugu soo bandhigi doonnaa:
- Sida aad maskaxdaada uga masaxi lahayd maalmo mugdi ah oo aad soo martay, uguna diyaarin lahayd maalmo nuur badan.
- Muhiimadda ay leedahay in aad noolaatid HADDA.
- Sida aad u qeexi (fahmi) lahayd dhibaatada ku haysata.
- Sida aad ku oggaan lahayd asal ahaan halka ay ka timid dhibaatada.
- Waxyaabaha aad ku xallin karto dhibaatada.
- Ducooyin iftiiminaya noloshaada.
- Alle in uu kuu abuuray Farxad.