Sveriges mest populära poddar

Adeeg Wanaag

Teknoolojiyadda Casriga ah iyo Fududeynta Adeegyada Dowladda

36 min • 24 december 2024

Soo ifbaxa kumbiyuutarrada, internet-ka, iyo aaladaha kale ee fududeeya xiriirka bulshada waxa ay sare u qaadeen adeegyada kala duwan oo ay bixiyaan dowladaha. Waxaa loogu magac daray electronic government oo loo soo gaabiyo E-government, oo macanaheedu yahay in adeegyada dowladda la bixiyo iyadoo la adeegsanyo hannaan electronic ah. 

Qeybtan 28-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Dr. Yaxye Abukar Axmed oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta ee Jaamicadda SIMAD, sidoo kalena ah khabiir ku takhasusay arrimaha teknoolojiyadda, waxa ay ku falanqeynayaan E-government, heerka isticmaalka E-government ee dowladda, caqabadaha ku gedaaman adeegsiga E-government-ga ee Soomaaliya iyo sida caqabadahaas looga gudbi karo.

Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda, @aweisahmedM (the host), and @SPAPolicyLab

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

00:00 -00:00