Sveriges 100 mest populära podcasts

Ladnaan Podcast

Ladnaan Podcast

Being a parent is both a great joy and at the same time stressful and overwhelming, especially if you are rising your child in a different culture and context than yours. In one moment, we feel that everything is so smooth, and the next that we are failing. But we want to assure you that being parent is not being perfect, there is no perfection in parenting, but being a good enough parenting. If you want to strive and better understand yourself as a parent and your child, this podcast series is for you. Get engaged with fruitful and practical tips that you can apply on your daily parent-child relationship. Waalidnimada waa mid ku dheehan farxad, waxayna sidoo kale ay tahay mid howl adag oo mararka qaarkiina welwel leh, qaasatan haddii aad tahay waalid ilmihiisa ku korinaaya wadan ama meel aan wadankiisa eheen. Mararka qaarkii waalidka wuxuu dareemayaa ineey waalidnimada aad u fududahay, marmarna waxaa dhaceysa inaan dareemno guul daro. Laakiin waxaan jecelnahay inaan waalidiinta niraahno ma jirto qof waalid oo dhinac walbo ka dhamaystiran, ama perfect ah. Waalid walbana wuxuu sameeyn wanaag inta karaankiisa. Haddii aad dooneyso inaad waalid ahaan isku fahamto, ilmahaaga fahmto, Podcastigaan waa mid ku anfacaya. Nagala soco halkan, anagoo idiin soo tebineyna talooyin la taaban karo oo aad u isticmaali karto Horumarinta qoyska, kobcinta caruurta iyo dhalinyarada.Music: Joseph McDade (SunRise expedition) https://josephmcdade.com/musicArt by Fartuun Hashi. In collaboration with https://www.noorawellbeing.com/. Waxaan kaa codsaneynaa inaad nala socoto oo aad qiimeyso Podcast-kaan iTunes: https://podcasts.apple.com/se/podcast/ladnaan-podcast/id1526192367 ama Stitcher: https://www.stitcher.com/podcast/ladnaan-podcast?refid=stprWaxaad nagala soo xiriiri kartaan: [email protected] ama Instagram: @ladnaan_podcast

Prenumerera

iTunes / Overcast / RSS

Webbplats

buzzsprout.com/1246361

Avsnitt

#55: Sideen u socod siinaa wax qabadkii Ramadanka

Xalqadeena maanta waxaan kaga hadleynaa sidee ayuu ahaa Ramadankeena, maxaa inoo suurta galay qorshihii aan sameeynay? Sideen usii socod siinaa wax qabadkii aan sameeynay? 
Waxaan kaloo idinla wadaageynaa sida ay reerka usii socod siin lahaayeen, camalada wanaagsan ay sameeyeen.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]
 waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST
 
 

2024-04-21
Länk till avsnitt

# 54: Bisha Ramadan iyo siduu qoysku isugu diyaarin lahaa

Waxaan xalaqadeenaan kaga hadleynaa siduu qoysku isugu diyaarin lahaa bisha Ramadan ee barakeysa. Sideen isugu dheeli tirnaa howlaheena adduunka iyo inaan Alle u dhawaano.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]
 waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST
 
 

2024-02-26
Länk till avsnitt

# 53: Sideen caruurteena qalbigooda ugu xasilinaa iimaanka

Kusoo dhawaada xalqad cusub oo ka hadleysa sidaan caruurteena qalbigooda ugu abuuri leheen, uguna xasilin leheen iimaanka. 
Waxaanu ka wada hadleynaa su'aalo ah: 

Waa maxay sababta aan ugu baahan nahay inaan caruurteena qalbigooda ku abuurna kuna xasilino iimaanka?Goorma ayaan bilaabeynaa?Miyaan u baahan nahay in da' walbo aan si u barno?Maxaa inoo shaqeeyay?

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]
 waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST
 
 

2024-02-18
Länk till avsnitt

# 52: Aragtida caruurta laga qabo iyo saameynta - wareeysi Dr. Faadumo M.

Waxaan xalqadan xiisaha leh idinkugu soo gudbineynaa wareysi aan la yeelanay Dr. Faadumo Mohamud Mohamed aragtida caruurta ay bulshada ka qabto iyo saameynta ay ku yeelaneyso tarbiyada iyo tacliintaba. Dr. Faadumo waxeey xanaanad ka furtay magaalada Muqdisho taasoo ula jeedadeeda tahay in lasoo saaro fac naxariis iyo jaceyl wax lagu baray iyo ineey u arkaan waxbarasha mid socota oo aan dhamaaneyn. 
Bal nala dhageysta xalqadan xiisaha leh. Nala soo wadaaga ra'yigiina, idinkoo Instagram keena @LADNAAN_PODCAST  noogu soo diraya. La wadaaga walaalihiina Ladnaan podcast. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]
 waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST
 
 

2023-11-15
Länk till avsnitt

#51: Muhiimada ay leedahay cilaaqada ka dhaxeeysa waalidka, ilmaha iyo macalinka

Waxaan xalqadaan ku wareeysan Ubah Adan oo ah waalid, macalin iyo maamule iskuul. Ubah waxeey si fiican u kala dhigdhigeysaa dowrka uu macalinku ka cayaaro ilmaha ama ardeyga mustaqbalkiisa, waxbarashadiisa, iyo habdhaqankiisa. Iyo weliba muhiimada ay leedahay cilaaqada ka dhaxeeysa waalidka iyo macalinka. Waxaad kaloo maqli doontaa anagana ra'yigeena. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]
 waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST
 
 

2023-10-15
Länk till avsnitt

# 50: Ladnaan 3 years! Sidee buu noqon mustaqbalka Ladnaan?

Kusoo dhawaada xalqadan oo aan kaga hadleyno sideey ahayd sedexdii sano ee lasoo dhaafay, maxeeynu baranay, iska baranayna, sidee buu noqon mustqabalka Ladnaan podcast?
Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]
waxaad kaloo nagala socon kartaan Instagramkeena: @LADNAAN_PODCAST

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  

2023-09-10
Länk till avsnitt

# 49: Ladnaanta nolosha waxeey ku jirtaa qiimeynta nafsadaada

Qof walba wuu jecel yahay inuu helo farxad iyo ladnaan. Laakiin sida uu qofka uu raadiyo weey kala gedisan tahay. Haddaba qeybtan waxeey ku saabsan tahay sida aan ku heli leheen ladnaanta nolosha. Iyadoo uu qofku u baahan yahay inuu naftiisa qiimeeyo doorarka nolosha ee saaran. Waxaan kaloo hadleynaa sida aan anagana isku qiimeynay.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected] 

2023-08-20
Länk till avsnitt

# 48: Sideey caruurteena ku sameeysan karaan saaxiib wanaagsan

Su?aal aan anaga isweydiiney waalid badana ay is weydiinayaan ayaa ah sideey caruurteeba u sameeysan karaan saaxiib wanaagsan. 

Saaxiibada muhiim ayeey u tahay caruurta, waxayna ka bartaan dad la dhaqanka, waxeeyna nooga baahan yihiin inaan hagno. 

Waxaan isku dayeynaa inaan xalqadan kaga hadalno da?da kala gedisan iyo saameynta asaxaabta iyo sideey waalidka u hagi lahaayeen caruurtooda. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2023-07-07
Länk till avsnitt

# 47: Xusuus wanaagsan la samee caruurtaada

Xalqadeena maanta waxeey ka hadleysaa sidaan xusuus wan wanaagsan ula sameeyn lahayn caruurteena, iyo muhiimada ay leedahay xusuusta wan wanaagsan in la isla sameeyo.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2023-06-11
Länk till avsnitt

# 46: Daryeel Bulsho - Wareysi aan la yeelanay Qoraaga Abdukadir A. Mursal

Xalaqadeenaan waxaan wareeysi la yeelanay qoraaga buuga Daryeel Bulsho. Waa buug xambaarsan aqoon guud iyo wacyi galin ku saabsan caafimaadka maanka, anagoo ku xuseyna bisha May oo ah bisha caafimaadka maanka.  
Abdukadir wuxuu xalqadani noogu sheegayaa talaabooyin ka hortrag ama ka daba tag xagga caafimaad xumida ku yimaada maanka. 
Haddii aad dooneyso inaad iibsato buuga Daryeel Bulsho kala xiriir Abdukadir: [email protected]

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2023-05-21
Länk till avsnitt

# 45: Bisha Ramadan iyo sidaan u kobcin lahayn qoyska

Xalqadeenaan waxaan uga hadleynaa sidaan u kobcin lahayn qoyskeena bisha ramadanka. Waxaanu isku deyi doonaa inaanu ka hadalno wixii talo ama khibrad inoo shaqaysay ama mid aanu ku fakarnay ah inaad idinla wadaagno. Waxaanu ka hadleynaa siduu qoysku isugu diyaarin lahaa bisha ramadan si wadajir ah, waxay sameeyn lahayn inta bisha barakeysan lagu gudo jiro, iyo sideey ciidaba isugu diyaarin lahaayeen. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maher Zain. 
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2023-03-19
Länk till avsnitt

#44: Waa maxay Burn-out? Sideena looga hortagi karaa?

Xalaqadeenaan waa xalqad ay dhageystayaal badan naga codsadeen inaan wax ka sheegno. Mawduuca maanta aan soo qaadaneyno waa Burn-out. 
Waxaanu xalqadaan kaga hadleynaa calaamadaha lagu garto, marxaladaha kala duwan iyo waxaad ka qaban karto.
Haddaba waxaan dhageystayaasheena xusuusineynaa in markaan calaamadaha sheegno kadib aysan bilaabin ineeysan diagnos isku sameeyn. Hadaad shaki iska qabto la xiriir dhaqtarkaaga ama raadso dhaqtar. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected] 

2023-03-04
Länk till avsnitt

#43: Sideed tahay adiga waalidka ah ee caruurta yar-yar haysta?

Waa sidee dareenka waalidka caruurta yaryar haysta? Ma waxaad dareemeysaa farxad iyo reyn reyn, mise stress? maxaad sameeysaa si aad uga baxdo mar marka qaarkii stress-ka waalidnimada keenta? Haddaba xalqadan waxaan kuugu haynaa talooyin. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2023-01-22
Länk till avsnitt

# 42: Sideen caruurteena uga badbaadinaa shaashada & aaladaha elektorooniga?

Sanad wanaagsan ayaan idin leenahay dhageystayaasheena meel walbo oo aad joogtaan. Anagoo weli ku guda jirna caruurta da'dooda u dhaxeeysa 1-6 jir waxaan xalqadan idinkugu haynaa dhibaatooyin ay waalidiinta adduunka dhan ay isla wadaagaan oo ah sideen uga badbaadinaa caruurteena shaashada iyo aaladaha elektorooniga?

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
 
 Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
  Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2023-01-02
Länk till avsnitt

#41: Part 3-Marxaladaha horumarinta caruurta jirta 4-5 jir

Taxanaheenaan sedexaad wuxuu ka hadlayaa Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 4-5 sano jir waxaan kaga hadleynaa sidaan u xoojin leheen dareenka caruurta iyo shucuurtooda. Waxaan kusoo qaadaneynaa talooyin iyo tusaalooyin waxtar leh.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
 Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2022-12-04
Länk till avsnitt

#40: Part 2: Marxaladaha Horumarka Koriinka Caruurta 1-3 jir

Taxanaheenaan labaad ee Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 1-3 sano jir waxaan kaga hadleynaa sidaan u xoojin leheen dareenka caruurta iyo shucuurtooda. Waxaan kusoo qaadaneynaa talooyin iyo tusaalooyin waxtar leh.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
 Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2022-11-13
Länk till avsnitt

#39: Marxaladaha Horumarka Koriinka Carruurta, 1-3 sano jir- Part 1

Waxaan dhowr xalqadood oo soo socda kaga hadli doonaa Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 1-5 sano jir. Qeybtaan ugu horeeysa waxaan kaga hadleynaa 1-3 jir iyo shanta marxalood ee ugu waaweyn. Ha moogaanin qeybta 2-aad oo aan sii wadi doono. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
 Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2022-10-31
Länk till avsnitt

#38: Sideen u jecleysiinaa caruurteena iskuulka

Xalqadeena waxaan kaga hadleynaa sideen u jecleysiinaa caruurteena iskuulka. 
Caruur badan ayaa dhacda in isbuuc ama dhowr isbuuc kadib iskuulkii naca oo yiraahda ma rabo inaan iskuulka aado. Sababaha keentana weey badan tahay. Xalqadeenaan waxaan kaga hadleynaa xalalka uu waalidka sameeyn karo markeey caruurtiisa ka caajisaan iskuulka ama ay diidaan ineey sameeyaan waajibaadyada looga soo diray iskuulka. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
 Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2022-09-12
Länk till avsnitt

# 37: Sidaan caruurta ugu diyaarin leheen iskuul sanadeedka

How to prepare children for the school start.

Xalqadeenaan waxaan siin doonaa waalidiinta talooyin ay ku dabaqi karaan una isticmaali karaan isku diyaarinta sanad dugsiyeedka.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
Waxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2022-08-20
Länk till avsnitt

# 36: Wareysi Luul oo ah social worker/social sekreterare

Haddaba xalqadeena waxaan mar labaad ku casumnay Luul oo aan horay kaga wareeysanay howsha ay qabtaan adeega bulshada ee Sweden. Xalqadeenaan waxaan ka hadleynaa oo ay Luulna nooga jawaabeysaa su'aalo ka yimid wareystayaasheena. Waxayna xalqadani qaas u anfaceysaa waalidiinta ku nool Sweden. Waalidiinta wadamada galbeedka kale degan xataa waxay ka faaiideysan karaan waxyaabo badan.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
Waxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2022-07-10
Länk till avsnitt

Special episode: Guur & Gayaan

Xalqadaan Ladnaan podcast waa mid ka gedisan xalqadihii aad nooga barateen. Waa special episode oo aan ugu tala galnay inaan warbixin ka bixino mawqac ama Platform la yiraahdo Guur & Gayaan. Dhageyso oo nala wadaag ra'yigaaga. Wixii su'aalo ah noogu soo dir: [email protected]
Mawqaca Guur & Gayaan waxaad kasoo geli kartaa Instagram account: @guur_iyo_gayaan

Heesta intro iyo dhamaadka waa heesta Cabdi Hani, Wiil Goboo

2022-06-22
Länk till avsnitt

# 35: Wareysi aan la yeelanay Kaltun - kobcinta iyo koriinka caruurta da'da yar

Waxaynu qeybteenaan wareysanay Kaltun Abdulahi Guuleed oo ku taqasustay kobcinta iyo koriinka caruurta, qaasatan caruurta da'da yar. Waxay Kaltun nala wadaagtay sidaan caruurta u kobcin lahayn jir ahaan, maskaxiyan iyo shucuur ahaanba, iyadoo cilmigii maadiga iyo tii diinigaba dhinac walba ka eegtay.

Heesta horudhaca waxaa iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Heesta dhamaadka ee la yiraahdo 'Ubadkaa mudnaanta leh' waxaa iskaleh Aar Maanta. 
https://www.youtube.com/watch?v=Hc_zrRYx8Bc&ab_channel=AarMaanta-Topic

Wixii su'aalo oo ku saabsan kobcinta caruurta da'da yar nala soo wadaaga: [email protected]

2022-05-31
Länk till avsnitt

#34: Aasaaska waalidnimada

 Waxaan horay xalqadeenii 3-aad uga hadalnay aasaaska tarbiyada oo aan ku tilmaamnay inay tahay:  Inaan soo saarno jiil kalsooni leh,  aamin ah, nafta xakamin kara, isku filan, jaceeyl u qaba waalidka iyo dadka kaleba. 
Haddaba maanta waxaan dib ugu noqonaynaa xalqadaa oo aanu u gudagalno aasaaska tarbiyada. 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Waxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2022-05-08
Länk till avsnitt

# 33: Dhalinyarada iyo guurka - ma u baahan nahay inaan hagno?

Xalqadan waxaanu ka hadli doonaa dhalinyarada iyo guurka.  Ma u baahan nahay inaan hagno? Hadeey nooga baahan yihiina, sideen u hagnaa iney lamaane ku haboon doortaan?

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Waxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2022-02-15
Länk till avsnitt

#32: Dowrka waalidka uu ka cayaaro qayimka iyo mabda'a dhalinyarada

Qeybteena waxaan kaga hadli doonaa  sida dhaliyaradan looga caawin lahaa inay fikradahooda iyo mabd?a khaas u ah ay u samysan karaan, adigoo aan fikradahaaga ku khasbayn. Haddaba sidee ayuu waalidka taa uga caawin karaa? 

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2022-01-29
Länk till avsnitt

#31: Sideen ugu diyaarinaa nolosha ubadkeena dhalinyarada ah?

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa taxano cusub ·  Oo aan  kaga hadli doonaa dhalinyarada markay soo gaadhaan d?ada 18-ilaa 24 oo ah da'da ay u gudbayaan nolosha dadka waaweyn.  Taasoo laga filayo masu?uuliyad, go?aan qaadasho iyo ineey xil isa saaraan. Waxaa dhalinyaradaani lasoo gudboonaado caqabado badan. Haddaba waalidnimadeena ma waxeey ku egtahay ilaa ay 18 jir noqdaan mise weey sii socotaa. Haddaba ka dhageyso qeybteenaan.


Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2022-01-09
Länk till avsnitt

#30: Maxaynu ka faa'iideysanay xalqadihii lasoo dhaafay?

Waxaanu hore uga hadalnay taxanihii lasoo dhaafay Isbadalka dabeecadaha iyo habdhaqanka ku yimaada ciyaalka da?da 13-18 jirka ay, iyo caafimaadkooda  maanka.Waxaanu waraysanay Asma oo psychologist ah iyo Hanna oo ah registered nurse kuna takhasustay caafimaadka maanka iyo dhimirka.Xalqadani waa gunnanadka taxanahaa aanu soo qaadanay iyo inaan faadumo iyo aniga oo sagal ah aanu soo koobno falaqaynteenii, ra?yigeenii iyo wixii aanu ka faa?iidaysanayba.

 Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2021-12-26
Länk till avsnitt

#29: Part 2 - Maandhaye & Maandhaqe - daaweynta & ka hortaga cudurada dhimirka iyo nafsiga

Kusoo dhawaada qeybteena labaad ee maandhaye iyo maandhaqe. Hanna waxay qeytani nooga hadleysa daaweynta iyo ka hortaga. Waxay kaloo Hanna wax inooga sheegi doontaa dardaaran ay ugu tala gashay waalidiinta.

Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

2021-11-28
Länk till avsnitt

# 28: Part 1: Maan dhaye iyo maan dhaqe, maxaad ka taqaanaa? Dhageyso wareysiga aan la yeelanay Hanna

Maxaad ka taqaanaa maan dhaye iyo maan dhaqe. Cudurada ku dhaca ama dhibaatooyinka ku yimaada maanka waxaynu u baahan nahay inaan kala garano, si aan ceebeynta iyo takoorka bulshadeena iyo dadkeenaba. Qeybtaan waa qeybta hore oo ay Hanna inoo kala dhig dhiigeeyso waxay ku kala gedisan yihiin maandhayaha iyo maandhaqaha.

2021-11-14
Länk till avsnitt

#27: Dhalinyarada iyo caafimaadka maanka ? wareysi aan la yeelanay Asma Dhamac

Waxaan xalqadeena kaga hadleynaa caafimaadka maanka iyo cudurada ku dhaca dhimirka/maanka ee dhalinyarada. Waxaan wareeysanahay Asma Dhamac oo ku taqasustay cilmi nafsiga, una ololeysa sida ay bulshada Soomaalida u fahmi lahaayeen caafimaadka iyo cudurada ku dhaca maanka. Waxay xalqadeena Asma kaga hadleysaa sideey dhalinyarada iyagana u ogaan lahaayeen caafimaadka maanka iyo waxyaabaha ay sameeyn lahaayeen si ay uga hortagaan. Waxay kaloo Asma ka hadashay sideey waalidiinta iyo bulshadana u taageeri lahaayeen dhalinyarada. 

Asma waxaad kala xiriiri kartaa YouTube channel-keeda oo la yiraahdo Sirta Maana: https://www.youtube.com/channel/UClxzq7cuXnnhKhFUfXVKT9A
iyo Instagram @asmadhamac. 

Heesta aan kusoo gabagabeyneyno xalqadeena waxaan kasoo qaadanay Aar Maanta iyo heesta Ubadkaa mudnaanta leh: https://www.youtube.com/watch?v=Hc_zrRYx8Bc 

2021-10-24
Länk till avsnitt

#26: Ubadku waa Amaano - dhageyso wareysiga aan la yeelanay Afrah Adan

Xalqadeena waxaa marti noogu ah Afrah Adan oo nooga hadleysa howlaha ay qabato oo ku saabsan sida loo xoojin lahaa isku xirnaanta waalidka iyo ubadkiisa. Waa wareysi qalbigeena taabtay, Afrah nalama wadaageyso keliyo howlaha ay qabato, oo waxay nala wadaageysaa qibradaheeda waalidnimo.

Heesta aan kusoo gabagabeyneyno xalqadeena waxaan kasoo qaadanay Aar Maanta iyo heesta Ubadkaa mudnaanta leh: https://www.youtube.com/watch?v=Hc_zrRYx8Bc 

2021-10-10
Länk till avsnitt

#25: Isku xirnaanta waalidka iyo cunugiisa qaangaarka ah - Attachment between parent and adolescent

Waa maxay isku xirnaanta waalidka iyo cunugiisa qaangaarka ah? mala arki karaa? mala dareemi karaa? Isku xirnaanta waa baahi ku abuuran waxwalbo oo noola ah qaasatan bini?aadamka. Waa mid ilaahay ku abuuray inuu u baahan yahay cidkale oo uu dareemo inuu ka tirsan yahay ama ku tiirsan yahay.
Haddaba ka dhageyso qeybteenaan sida uu waalidka uu xoojin karo xiriirka caruurtiisa qaangaarka ah. 

Waxaan kaloo qeybtaan idinkugu soo bandhigi doonaa jawaabihii kasoo baxay sahanka. 

2021-09-27
Länk till avsnitt

#24: Maxaa keenay isbedelka cunugeyga - Me and My teenage

Maanta waxaan mawduuceena ku bilaabeynaa sheeko ay hooyo soomaaliyeed noola wadaagtay. Waxay tiri: wiilkeyga wuxuu ahaa mid ii baari ah oo warkeyga maqla. Wuxuu ahaa kan ugu baarisan ilmaheyga oo dhan. Sanadkaan markii ii iskuulka ku laabtay waxaan ka dareemayaa isbedel badan. Wiilkii hore ma?aha oo faraxsanaa, waa maxay isbedelkaa maxaanse sameeyaa. Bal haddaba ka dhageyso jawaabaha aan bixineyno qeybtan.

Waxaan kaloo walaalaha ka codsaneynaa ineey nooga soo jawaabaan sahankaan oo aan jecelnahay inaan ku hormarino Ladnaan podcast.

https://sv.surveymonkey.com/r/TJDRMZN 

2021-09-05
Länk till avsnitt

#23: Sanadguuradii 1-aad ee Ladnaan Podcast - Celebrating 1-year anniversary

Waa sanadguuradii 1-aad ee Ladnaan Podcast. Waxaan xalqadeena kaga hadalnay hadafka aan u aasaasnay Ladnaan podcast, maxaa nagu guubaabiyay inaan sii wadno, xalqadaha labadeenaba aan jecelnahay iyo weliba waxaan ka hadalnay mustaqbalka Ladnaan.

Waxaan dhageystayaasheena ka codsaneynaa ineey nooga soo jawaabaan dhowr su'aalood oo aan jecelnahay inaan ra'yigiina dhageysano si aan howsheena Ladnaan usii wadno oo aan soo deyno barnaamijyo idin xiisa gelinaya. Waxay keliya oo ay qaadaneysaa ilaa 4 min. ka jawaabisteeda.
Guji linkigaan: https://sv.surveymonkey.com/r/TJDRMZN

Ladnaan listeners - we are running a survey and we'd love to hear whay you think of the podcast. Please give us some feedback at https://sv.surveymonkey.com/r/TJDRMZN 
It only takes a few minutes, and it really helps us improve the podcast.

2021-08-17
Länk till avsnitt

#22: Sideen u fahamnaa caruurteena da'da qaangaarkaarka ku socota? Understanding children in middle years

·       Waxaan qeybaheena soo socda kaga hadli doonaa caruurta da?da iskuulka 7-18 jir iyo horumarkooda ama kobacooda jir ahaan, garaad ahaan, shucuur ahaan iyo xiriirkaba. 

·       Qeybteenan ugu horeysa waxaan diirada saareynaa caruurta da?da 7-12 jir ah

·       Waxaan marka hore ka hadli doonaa horumarka iyo kobcinta caruurta kadibna waxaan soo qaadan doonaa  tusaalooyin iyo talo

2021-07-18
Länk till avsnitt

#21: Talooyin ay nala wadaageen waalidka keligii caruurtiisa korsanaya - Advices from single parents

Xalqadan waxaan idiin soo bandhigi doonaa wareysi aan la yeelanay waalidiin ilmahooda keligooda korsanaya, caqabadaha ay la kulmeen iyo waxyaabaha u fududeeyay. Waxay kaloo waalidiintaan nala wadaageen talooyin aad iyo aad u wanaagsan oo uu waalid walba u baahan yahay. Dhageysi wacan.

2021-06-27
Länk till avsnitt

#20: Maxaa caawin kara waalidka ilmaha keligii korinaya?

Waxaanu xalqadan kaga hadleynaa waalidka korinaya ilmihiisa keligii.  Saamaynta ay ciyaalka ay ku leedahay in hal waalid oo kaliya uu koriyo. Saamaynta ay waalidka korinaya ku leedahay. Sidee saameynahaa looga badbaadi karaa, maxaase waalidka looga baahan yahay?

2021-06-06
Länk till avsnitt

#19: Kalgacaylka iyo xiriirka labada waalid

Lamaanahaaga miyaad aqbashay mise waad u dulqaadatay?

Do you have a tolerance or acceptance in your marriage? 

2021-05-16
Länk till avsnitt

#18: Kobcinta qoyska ee bisha barkeeysan ee Ramadan

Qeybtan waxaan uga hadli doonaa sida aan u kobcin lahayn qoyskeena bisha ramadanka. Waxaanu isku deyi doonaa inaanu ka hadalno wixii talo ama khibrad inoo shaqaysay ama mid aanu ku fakarnay ah inaad idinla wadaagno. Waxaanu ka hadleynaa siduu qoysku isugu diyaarin lahaa bisha ramadan si wadajir ah, waxay sameeyn lahayn inta bisha barakeysan lagu gudo jiro, iyo sideey ciidaba isugu diyaarin lahaayeen. 

2021-04-05
Länk till avsnitt

#17: Hooyo is daryeel si aad u daryeesho dadka mas'uuliyada kaa saaran - Mother take care of yourself

Qeybtan waxaan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay inay hooyadu ama qofka dumarka ah leedahay inay is daryeesho si ay u daryeesho dadka mas?uuliyada ka saran. Qof tiisa daryeelaa ayaa midkalena daryeeli kara. 

In this episode, we will talk about the importance of the mothers to take care of themselves so they can take care of their family. 

2021-03-21
Länk till avsnitt

#16: Hooyadu waa lama huraan

Qeybteenaan waxaan uga hadleynaa muhiimada ay hooyada iyo dumarku leeyihiin.

We have dedicated this episode to all women and mothers.

2021-03-07
Länk till avsnitt

#15: Maxaa keenaya in caruurta ay adeega bulshada ka qaadato waalidkooda?

Qeybyenaan waxaan ku wareysanay gabar Soomaaliyeed oo ka shaqeeysa adeega bulshada (Social Service/Socialtjänst) ee Iswiidhan. Iyadoo aan weydiineyno sababaha keenta in ay adeega bulshada ay kala wareegto caruurta waalidkooda. 

In this episode, we have interviewed a social worker from Sweden about the causes of removing children from their parents. 

2021-02-21
Länk till avsnitt

#14: Wareysi hooyo Soomaaliyeed - An interview with a Somali mother

Qeybteenaan waxaan wareysi la yeelanay hooyo Soomaali oo degan Sweden, iyadoo noo gala hadleysa caqabada waalid in lagu noqdo qurbaha. Waa qeyb aad u xiiso badan oo wax badan nagu soo kordhisay oo aan aad ula dhacnay. Waxaan fileynaa inaad idinkana ka heli doontaan.

In this episode, we have interviewed a Somali mother living in Sweden on the challenge of being parent in another context and country than yours. This is one of our favorite episodes. Hope you also enjoy it.

2021-02-07
Länk till avsnitt

#13: Waalidnimada iyo qurbaha - Parenting in diaspora

Xalqadeena 2aad  waxaan ku soo qaadanaynaa hababka tarbiyada caruurta qaasatan sidaan ugu tarbiyeeyn lahayn qurbaha. 

In this second episode, we will be discussing parenting styles and how we can parent our children in the context of diaspora. 

2021-01-23
Länk till avsnitt

#12: Hababka tarbiyada qeybta 1-aad - Parenting styles

Xalqadeena 1aad ee sannadkan cusub waxaan ku soo qaadan doonaa , hababka tarbiyada caruurta ee wadankeena laga isticmaali jiray. 

In this first episode of this new year, we will be discussing the different parenting styles and which parenting styles were used back home. 

2021-01-10
Länk till avsnitt

#11: Ma jeclaan lahayd inaad habdhaqankaaga wax ka badasho?

Motivation episode - would you like to change yourself? 
Maadaama uu sanadka cusub inagu soo fool leeyahay, waxaa wanaagsan inaan ka fikirno sanadkii nasoo dhaafay iyo kan soo socdaba. Haddaba ka dhagaysta qeybtaan sidaan wax isdaga badali lahayn habdhaqankeena si aan u kobcino farxada qoyskeena. 

2020-12-27
Länk till avsnitt

#10: Gunaanad, Su'aalo iyo Jawaabo - A summary from previous episodes and Q & A

Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan idinla wadaagno barnaamijkeena maanta. Qeybtan waxaan kusoo koobeynaa qeybaheenii hore ee ku saabsanaa, caafimaadka hooyada, sida aan u kobcin leheen maskaxda caruurteena. Waxaan kaloo qeybteenaan ka jawaabi doonaa su?aalihiinii aad noogu soo dirteen Ladnaan podcast intagram iyo meylkaba. 

We are so excited to share this episode with you. This episode is a summary of all of our previous episodes regarding parent's health and brain development of our children.  We will also answer your questions that you have sent through Ladnaan podcast Instagram and our email. 

2020-12-13
Länk till avsnitt

#09: Qeybta 2-aad - Sideen u kobcinaa maskaxda caruurteena? How can we encourage our children's brain development?

The first three years of a child?s life are critical for learning and development. As parents, we can develop our children's brain in different ways. This is the second episode in which we will talk about the children's brain from 1 year to three years. 

Sedexda sanadood ee ugu horeysa nolosha caruurta waa xilli aad u muhiim ah kobacooda maskaxda iyo ineey waxbartaan. Waalidku wuxuu u kobcin karaa maskaxda ilmiisa dhowr siyood. Waxaan  qeybtan labaad ka hadleynaa sida aan u kobcin laheyn maskaxda caruurta jirta 1 sano ilaa 3 sano. 

2020-11-28
Länk till avsnitt

#08: Sideen u kobcinaa maskaxda caruurteena? How can we encourage our children's brain development?

The first three years of a child?s life are critical for learning and development. As parents, we can develop our children's brain in different ways. For the coming two episodes, we will share with you how we can do that.

Sedexda sanadood ee ugu horeysa nolosha caruurta waa xilli aad u muhiim ah kobacooda maskaxda iyo ineey waxbartaan. Waalidku wuxuu u kobcin karaa maskaxda ilmiisa dhowr siyood. Waxaan labada qeybood ee soo socda idinla wadaagi doonaa sidaad sameeyn laheyd.

2020-11-15
Länk till avsnitt

#07: Sidee caafimaadka dhimirka ee waalidku u saameeyo caruurta - Mother's mental health and its effect on the child

Waxaan barnaamijkeena kaga hadleynaa caafimaadka dhimirka ee waalidka iyo saameynta ay ku leedahay caruurta. Qofka bini?aadamka duruufa badan oo lasoo gudboonaada ayaa waxay sababaan inay dhibaato maskaxda ama dhimirka ah u keenaan. Dhibaatadaas oo muddo gaaban ama dheer qofka saameyn ku yeelata.

In this episode, we talk about mother's mental health and its effect on the child. 

 

2020-10-25
Länk till avsnitt
Hur lyssnar man på podcast?

En liten tjänst av I'm With Friends. Finns även på engelska.
Uppdateras med hjälp från iTunes.