Sveriges 100 mest populära podcasts

Abubakar Mohammed

Abubakar Mohammed

Abubakar Mohammed is a Somali motivational speaker, author, preacher and a life-coach from the Netherlands. Along with his older brother Omar Mohammed, he became famous through online motivational speeches and short Islamic reminders. He published his first book Ku Raaxayso Noloshaada (Enjoy Your Life) in 2019, which was a great success within Somali communities worldwide.

Prenumerera

iTunes / Overcast / RSS

Webbplats

podcasters.spotify.com/pod/show/abukar-mohammed

Avsnitt

Ka Farxi Dadka 6 - Ku Raaxayso Noloshaada

Qabta 6aad: Ka farxi dadka:

In aad xiriir fiican la samaysid bulshada oo qalbigooda soo jiidatid ka farxisid, ayaa ah waddada ugu wanaagsan loo maro ku raaxaysiga nolosha. Qaybtan wuxuu si dhab ah kaaga caawin doonaa:

Sida aad farxad ugu abuuri lahayd qalbiyada dadka kale.
Sida aad u beddeli  lahayd dabeecadaha aan wanaagsanayn.
Sida hadalkaaga aad ugu dari lahayd malab si dadka aad  u soo jiidatid.
Waddada ugu wanaagsan ee lagu qurxiyo wajiga.
Sida aad ku noqon lahayd qof dadka oo dhan ay jecelyihiin.

2022-11-05
Länk till avsnitt

Raaxada Jirka 5 (Full) - Ku Raaxayso Noloshaada

Qaybta 5aad: Raaxada Jirka:

Daryeelidda jirkaagu saamayn aad u weyn bay ku yeelataa ku raaxaysiga noloshaada. Nabiga scw wuxuu inoo tilmaamay in qofka naftiisa ay xaq ku leedahay. Qaybtani waxay si dhab ah kaaga caawin doontaa:

Sida aad u daryeeli lahayd caafimaadkaaga.
Sida aad ku heli lahayd dhammaan maaddooyinka jirka u baahanyahay.
Sida aad u ilaalin lahayd nadaafadda jirkaaga.
In aad maalin walba samaysid jimicsi fudud.
In aad heshid hurdo kuugu filan iyo daawada hurdo la?aanta.
In aad aaddid safar, si jirkaaga firfircooni u helo iyo faa?idooyinka uu leeyahay safarku.

2022-11-03
Länk till avsnitt

Jaceylka Nabiga ee Xaasiskiisa - Ku Raaxayso Noloshaada

Waxaan ka xiran karnaa indhaha waxyaabaha aanan rabin in aan aragno, laakiin kama xiran karno qalbigeena, waxyaabaha aanan rabin in aan dareeno.

2022-10-24
Länk till avsnitt

Raaxada Qalbiga 4 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

Waxa ugu weyn ee uu ku raaxaysto qalbigu, waa in uu helo jacayl joogta ah. Jacaylka waa waxa ugu quruxda badan ee la haysto. Sooma aad arkin marwalba oo aad fiirisid qofka aad jeceshahay, wajigaaga waxa ka muuqda farxad iyo dhoolla caddayn. Waxaan qaybtan kuugu soo bandhigi doonaa:

Sida Jacayl qurux badan loo dhiso.
Sida Jacayl kaas quruxda badan loogu noolaado.
Sida loo doorto lammaanaha mustaqbalka.
Qofka sida dhabta ah kuu jecel waxyaabaha lagu garto.
Bankiga jacaylku waa maxay?
Sida uu Nabiga ula dhaqmi jiray xaasaskiisa.
Qalbiga sida loo nadiifiyo.

2022-10-24
Länk till avsnitt

Nimcada Alle - Ku Raaxayso Noloshaada

Ka faker waxa aad haysatid inta aadan ka fakerin waxyaabaha kaa maqan!

2022-10-22
Länk till avsnitt

Ha is barbardhigin - Ku raaxayso Noloshaada

?Ahoow qofka adiga aad tahay. Faraxsanow kuna noolow noloshaada dhabta ah. Waxaa jira sabab uu illaahay kaaga dhigay sida aad tahay, kuu siiyay waxa aad haysato?

2022-10-22
Länk till avsnitt

Raaxada Maskaxda 3 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

Inta aad nooshahay waxa ugu weyn oo farxad ama murug ku dareensiiya waa sida aad u fekerayso. Sababta aad ugu raaxaysan wayday noloshaada waa natiijad ka dhalatay qaabka liita ee aad u isticmaalayso maskaxdaada. Qaybtan wuxuu si dhab ah kaaga caawin doonaa:

Sida loo oggaado waxa si dhab ahaan kuu farxad geliya.
Sida aad u qaadan lahayd mas?uuliyadda nafsadaada.
Sida ugu fiican ee loo dejiyo hadafyadaada iyo sida degdeg loogu gaaro hadaf kasta oo aad leedahay noloshaada.
Sida aad ugu raaxaysan lahayd inta yar ee aad haysatid.
Sida aad ku oggolaan lahayd noloshaada.
Sida loo noqdo mid mar walba Alle u mahadceliya.
Sida wax walba dhinaca wanaagsan loogu fiiriyo.
In aadan is barbardhigin.
Sida aad u ahaan lahayd qofka adiga aad tahay, una joojin lahayd saamaynta hadallada dadka.

2022-10-22
Länk till avsnitt

Hooyooy Macaan - Abubakar Mohammed & Ilyas moa

Hooyooy Macaan 

Adigaa aduunka I keenay
Adigaa uurka igu qaaday
Adigaa dhiigaaga nuugay
Adigaa Ifka igu barbaarshay
Hooyoy Abaalkaga Bini?adam gudi waayay
Amaantaada hooyo waan soo koobi kari waayay

Marka ku arko waan
Ka maqsuudi la
Murugadan qabee
Hooyo macaan 

Muuqaagu wuu Iga meydhi la
Dhibtaan so maree Hooyo macaan
Intan ka maqnay
Waan magano
Manfac iyo hurdaba
Wayska maanacee hoyoo macaan

Maa aragtida
Waxay Ila mid tahay
Anigoo makkah iyo madinaba tagoo
Xajka soo maree
Hooyo magan ilaah Markastaba ahow 

Maamoy dhib aah
Ila soo martee
Miisaan xaq aah
Lama maagi karee
Mininkaa janada mowla haka dhigo
Mamoy macaan mowla haka dhigo

Allow Hooyo Hoygeeda Janada Fardowsa ka Yeel
Allow Hooyo Hamigeda U Yeel
Allow Hooyo Kitaabkeeda midig ka sii
Allow ugu deeq farxad, caafimaad, cumri dheer,
Allow Hooyo ugu Naxariiso siday yaraanteyda iigu naxariisan jirtay

Maa aragtida
Waxay Ila mid tahay
Anigoo makkah iyo madinaba tagoo
Xajka soo maree
Hooyo magan ilaah Markastaba ahow 

Maamoy dhib aah
Ila soo martee
Miisaan xaq aah
Lama maagi karee
Mininkaa janada mowla haka dhigo
Mamoy macaan mowla haka dhigo

2022-10-20
Länk till avsnitt

Raaxada Ruuxda 2 - Ku Raaxayso Noloshaada

Marka aan raadiyay waxa ay ku raaxaysato ruuxdu, waxaan oggaaday qofka kaliya oo ii sheegi kara jawaabtaas in uu yahay midka abuuray ruuxda iyo dadka oo dhan; Allaah, kadib waxaan ka baaray Qur?aanka iyo sunnada, waxaan oggaaday in ruuxda aysan raaxaysanaynin illaa marka ay u dhowaato midka abuuray, Allaah! Waxaan soo qaadan doonnaa qaybtan:

Macaanka uu leeyahay iimaanka iyo sida aan u heli lahayn macaankaas. Raaxada salaadda laga helo iyo sida aad ugu raaxaysan lahayd salaadda. Deggenaanshaha qalbiga halka laga helo.
2022-10-17
Länk till avsnitt

Ha Murugoon 1 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

Waxaan marka ugu horreeya ku billaabi doonaa safarkeenna quruxda badan ku raaxaysiga nolosha, in aan daawo u helno muruggada aan dareemayno. Waxaan qaybtan kuugu soo bandhigi doonnaa:

Sida aad maskaxdaada uga masaxi lahayd maalmo mugdi ah oo aad soo martay, uguna diyaarin lahayd maalmo nuur badan. Muhiimadda ay leedahay in aad noolaatid HADDA. Sida aad u qeexi (fahmi)  lahayd dhibaatada ku haysata. Sida aad ku oggaan lahayd asal ahaan halka ay ka timid dhibaatada. Waxyaabaha aad ku xallin karto dhibaatada. Ducooyin iftiiminaya noloshaada. Alle in uu kuu abuuray Farxad.
2022-10-09
Länk till avsnitt

Hordhac - Ku Raaxeyso Noloshaada

Miyaad faraxsantahay? Ma tahay noloshan aad ku nooshahay, nolosha aad dhab ahaan u rabtay inaad ku noolaato? Hadaba, Kaalay oo ila fuul doonta "Ku Raaxeysiga Nolasha?, doontaas oo kaa qaadi doonta halka aad maanta taagan tahay, kuna gayn doonta jasiirad aad u qurux badan oo ay naftaadu raalli ku tahay.

2022-10-07
Länk till avsnitt
Hur lyssnar man på podcast?

En liten tjänst av I'm With Friends. Finns även på engelska.
Uppdateras med hjälp från iTunes.