Sveriges 100 mest populära podcasts

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Ogaalka Ruuxda | Nazreen zallah

Magacaygu waa Nasreen Sallah; waxaan aad u daneeyaa arimaha ku saabsan wacyiga ruuxda, cilmiyada la xidhiidhka bulshada, Qaangaadhnimada maskaxda, wax ka barashada khibradaha nolosha, wax-yaalaha ku saabsan ibnu-aadamtinimada, walaalnimada, is jacaylka, daganaan-shiyaha, noolaan-shiyaha iyo nabad gudeedka.podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona. Waxa aan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay in aynu noolaano xaqiiqadeena, in aynu aqbalno abuurkeena iyo in aynu baadi goobanno duwanaan-shiyaheena,  si aynu ugu noolaano nolol isku miisaaman, farxad leh, daganaanshiyo leh oo ilaahay raali ka yahay,  nafteenuna raali ku tahay. "Talo waliba waxay ka iman doontaa qalbigeyga".

Prenumerera

iTunes / Overcast / RSS

Webbplats

buzzsprout.com/2225696

Avsnitt

EPO6 Xasuusin iyo xasilooni| Dadka wanaagsani waa arsaaq.

Xasuusinta maanta

Cidladu marar badan waxa ay ka fiicantahay la joogista aad hadana cidlada dareemaysid. 
Ha dooranin nolol aad nooshahay badh noolaanshiyo.

2024-06-19
Länk till avsnitt

EPO5 Xasuusin iyo xasilooni| Qaladaadka aynu galno iyo kuwa laynaga galo!

Xasuusinta maanta.

Qalad hadii aad gasho qoomamo haysku dilin.
Qalad hadii lagaa galana qoomamo haysku dilin.

Waxka baro, waxka korodhso, doorana in aad hore uga socoto cafisna dalbato, ama aad adigu cafido.?

2024-05-28
Länk till avsnitt

EPO4 Xasuusin iyo xasilooni| Nasriga iyo guusha cid gaar ahi malaha| ???? ?????? ??????? ??? ????? ?.

Xasuusinta maanta

Hadii aad dareemayso dareen ah in aan laguu qadarin in aad maruun guul gaadho, ama aad dareemayso in riyo aad jeclayd aanay kuu dhaboobi-karahaynin oo ay wakhtigan kugu adag-tahay in aad rumayso,

Halka dadka inbadan oo ka mid ahi ay xikmada ilaahay gaadheen waxaa aad adigu doonaysey ee aanad wali gaadhin.

Xasuuso aayada 140 suurada aali cimraan.

Ilaahay wuxuu leeyahay  ????? ?????? ??????? ???  ????? ?

Sidaasaanu maalmaha dadka ugu kala wareejinaynaa, ama sidaasaanu ayaamaha dadka ugu kala wareejinaa.

Ogoow Nasriga iyo guusha cid gaar ahi malaha. Maalina adigaa leh, maalina qayrkaa maalmana waynu wada yeelanaynaa oo waa wax caadiya ee da.daal ilaahayna talo saaro. laga yaabee in ayaamaha soo socda rabbi kuu rumeeyo riyo aanad awoodaada waligeed suuraha galine

2024-05-19
Länk till avsnitt

EPO3 Xasuusin iyo xasilooni| Naftaada ka saamax doorashooyinkii qaldanaa!

Xasuusinta maanta

Murugo hadii aad dagaal kaga soo baxday ku faro adayg  farxada , nabada iyo daganaanshiyaha aad heshay.

Dooro deegaan munaasab ah iyo dad aad nabadaada ku ilaashato. Door xasuusta wacnaanta leh ee aan ku carqaladayn dooni .

2024-05-05
Länk till avsnitt

EPO2 Xasuusin iyo xasilooni| Dadka ka fagoow fogaanshiyo qurux badan.

Qofka aydun dhaqan ahaan is af-garan waydeen ama si uun aydun nolosha ugu sii wada midoobi kari waydeen  ???????? ???? ????? ?. Haajiraad qurux badan ka haajir ka fogaanshiyo qurux leh ka fagoow, masaafo  nadiifana u jirso.

Xasuusinta xalqadan.

Afkaagu ruuxii uu waangiisa tirinayay shalay, Maanta isla afkaagii yuu xumaantiisa tirinin.

Dadka sikale, wakhti kale iyo waayo kaleba waydin kulmin doonaane. Salam. ??

2024-04-30
Länk till avsnitt

EPO1 Xasuusin iyo xasilooni| Raali-galinta dadka.

Xasuusinta xalqadan 

Bani aadamka awoodiisa waa la xadiday, waala xadeeyay waana la xakameeyay. Wixii se aad iinsaan ka heli waydo ilaahay xagiisa ka doono, ilaahay xagiisa ka raadso, ilaahayna xagiisana ka baadi doono.

Waa ilaaha iska leh sifada kamaalka, dhamaystirnaanta, iyo isleekaanshiyaha.

Waa rabiga aan agtiisa waxba laga waayin, agtiisa waxba laynagu yeelin. Talo saarashadiisana badbaada aynu bidno oo aynaan ku hungoobin.


Ugu dambayn

Waxkaste aynu kala doono oo aynu hadana kala wayno ee wanaag ah, rabbi baa leh oo awoodooda bixiya, ee xasuuso.

2024-04-25
Länk till avsnitt

Maxaynu uga baahanahay in aynu garab kala helno? |Taageerada maskaxda iyo Qur.aanka | Mental support.

Fariimaha yar yar ee aynu helno ayaamaha aynu ugu baahida badannahay laabteena waxbay taraan oo meesha inagu bannaan ayay badh gufeeyaan oo dhaxan tiraan. Si taa la mid ah dadyowga aynu garabka erayadeena iyo wehelnimadeena ku siino ayaamaha nugeyl-koodana meel bay u buuxiyaan aanu garanahaynin ruuxa baahida u qaba mooyee ruux kale oo dibada ka taagani.

Garab kala hela wakhtiyada adag?

2024-03-22
Länk till avsnitt

Talooyin gabdhaha quseeya ?

Gabadhnimadu waa hal adayg-nimo iyo dhib qurux badan. ??

2024-03-12
Länk till avsnitt

12 qodob oo kaa caawin doona u diyaar garawga bisha ramadaan.

Waa 12 qodob oo aydun intiina badan garanaysaan laakiin aan jeclaaday in aan idin xasuusiyo si aydun ugu diyaar noqotaan gudo ahaan,  dibad ahaan, iyo guri ahaanba bisha barakaysan ee ramadaan. Waa xalqad dhalinyarta aad u quseysa iyo sidoo kale cidkaste oo danayneysaba.
??

2024-03-03
Länk till avsnitt

Waa maxay sababta aynu wax u raagsano, marka aynu helno wixii aynu raagsanayna uga xiiso dhacno helida kadib?

Xalqadan waxa aan kaga hadlay wax-yaalo dhawra oo quseeya qiimaynta wax-yaalaha aynu haysano,  u fiirsashada quruxda ay leeyihiin wax-yaalaha yaryari iyo jawaabo laba su.aalood oo wakhti hore la i waydiiyay.

Eray waliba wuxuu ka yimid qalbigeyga dhagaysi wanaagsan.?

2024-02-21
Länk till avsnitt

Codka gudaha| ????? ??????? | Qalbiga iyo caqliga midkee go.aanka laga gaadhaa?

Xalqadan waxa aan kaga hadlay Codka guduhu waxa uu yahay, qaybihiisa, noocyada uu u kala baxo, saamaynta uu inagu yeelan karayo ee togan iyo saamaynta uu inagu yeelan karayo ee taban.

Waxa aan kaga hadlay caqliga iyo qalbiga codadkooda, kala duwanaan-shiyahooda iyo go.aan qaadashada. ugu dambayn waxa aan kaga hadlay muhiimada ay leedahay in aad iska xakamayso codka gudaha ee taban, kana war-qabto xiliga iyo xaalada uu caqligaaga qaybta dahsooni kugu dafcinayo in aad is canaanato.

2024-02-12
Länk till avsnitt

Garaadka caadifada|??????? ??????? |xirfada fahamka iyo la dhaqanka naftaada iyo nafaha dadka kugu xeeran.

Xalqadan waxa aan kaga hadlay waxa loo yaqaan Garaadka caadifada

Emotional intelligence, garaadka caadifadu waa xirfada fahamka, la dhaqanka, maamulka, maaraynta, xakamaynta iyo af-garadka naftaada, nafaha dadka kugu xeeran ee ah dadyawga aad inta u badan la dhaqmayso  iyo sidoo kale xirfada fahamka iyo wacyi u yeelasha a nolosha. 

waxyaalo mawduucan quseeya ayaan kaga hadlay xalqadan dhagaysi wanaagsan.

2024-02-04
Länk till avsnitt

Maxaan ka bartay aayadaha ugu horeeya suuratul baqra| Muhiimada Qur.aanka

Ruuxdaada cibaadada iyo qur.aanka ku ilaali, marxalada dhalinyarnimadana  ilaahay xadhigiisa adkee

Xalqadan  waxaan kaga hadlay faa.idooyinka qur.aanka. Waxaan kaga hadlay wax-yaalo aan  ka bartay aayadaha ugu horeeya suuratul baqra. Waxaan kaga hadlay marxalda dhalinyarnimada iyo dhibteeda, waxaan kaga hadlay toosnaanta, dhawrsoonaanta iyo hanuunkaba in rabbi cidda uu doono uu waafajiyo.

2024-01-22
Länk till avsnitt

Ka kabashada dhaawacyada caruurnimo| healing from childhood trauma.

Xalqadan waxa aan kaga hadlay 8 wax oo aasaas u ah ka kabashada dhaawacyada caruurnimo, sidoo kale waxa aan kaga hadlay labada dhaawac ee ina soo gaadhi karaya oo kala ah ka waynaanimo inagu soo gaadhi karaya iyo ka caruurnimo inagu soo gaadhi karaya.

Waxaan kaga hadlay sida ay saamayn inoogu yeelan karayaan labaduba iyo sida uu uga saamayn xoogan yahay dhaawaca yaraanimo laynoogu gaystaa? dhaawaca waynaanimo inagu gaadha. Sidoo kale waxaan kaga hadlay sida ay tahay in aad dhaawacyadaa ula dhaqantid iyo sidoo kale talaabooyinka ugu horeeya ee ad kaga bogsan kartid.

Xasuusin
Hadii aad dareemayso in dhaawaca yaraanimo kugu soo gaadhay uu saamayn aad ah kugu hayo xad aad ka fakarayso in aad is disho ama aad dhimato fadlan dhakhtar, la taliye, ama qof aqoon  u leh oo therapy kuu sameeya la xidhiidh .

2024-01-14
Länk till avsnitt

Qaybteena caruurnimo iyo dhaawacyadii yaraanimo| Waa maxay qaybtaada caruurnimo | inner child

Xalqadan waxa aan kaga hadlay qaybteen caruurnimo [  inner child ]. ????? ??????? 

Waxa ay tahay qaybteena caruurnimo iyo dhaqamada ama afcaasha lagu garto, Meelaha aynu kaga dhaqano iyo cida aynu kula dhaqmi kartno. Waxa kaloon kaga hadlay dhaawaca yaraanimo inagu soo gaadhaa sida uu nolosheena u saamaynayo sidoo kalena qaybteena caruurnimo uu u saamayn karayo.

Xalqadan wax-badan baan ku sharaxay oo quseeya inner child oo aan ku rajo way-nahay in aydun ka faa.idi doontaan hal ama laba shay.

Dhagaysi wanaagsan?


2023-12-23
Länk till avsnitt

2023 dabiicadahan nabad galyee | shakhsiyada daciifka ah. ??? ???????

Xalqadan waxa aan kaga hadlay 9 dhaqan ama 9 dabiicadood oo aynu yeelan karno, isla markaana aynu ku yeelan karno qofnimo jilicsan, daciifnimo shakhsiyadeed iyo nugayl qofnimo.

Waxaan rajaynayaa in ay wacyi kugu dari doonto, sidoo kale wax kugu biirin doonto.

Mahadsanidin.??

2023-12-04
Länk till avsnitt

3 shay oo kaa caawin doona inaad dareenkaaga fahanto | maamulka dareemada.

Xalqadan  waxa aan kaga hadlay Maamulka, maaraynta la dhaqanka iyo fahmida dareemada. 

Waxa aan kaga hadlay 3 shay oo kaa caawin doona inaad fahanto dareenkaaga, inaad la dhaqanto waxa aad dareemayso sidoo kalena aad maamusho.

Fahamka dareenkaagu waxa uu kaa caawin doonaa in aad noolaato nolol aad la dhaqmi karayso naftaada, noloshaada iyo noolaan-shiyahaaga.



2023-11-25
Länk till avsnitt

Jacaylka caqliga, jacaylka qalbiga iyo jacaylka isu miisaaman | ogaalka quseeya jacaylka Q2

Xalqadan waxa aan kaga hadlay 3 ka mid noocyada ay dadku isu jeclaadaan, oo kala ah jacaylka caqliga, jacaylka qalbiga iyo jacaylka isu miisaaman ee ah jacaylka ruuxda.

Waxa aan kaga hadlay dadka caqliga iska jeclaada sifooyinkooda, dadka qalbiga iska jeclaada sifooyinkooda iyo dhibaatooyinka ay kala dhaxlaan mudada wada xidhiidhkooda, haday waalid yihiin, haday saaxibada yihiin, haday dadka guurka wadaagaya yihiin iyo haday dadka haasaawaya yihiinba.

Waxa kaloon kaga hadlay marxalada jacayl ee isu miisaaman sida loo gaadhi karayo.

 

2023-11-17
Länk till avsnitt

Ogaalka quseeya jacaylka!!, waa maxay jacaylku? Muhiimada jacaylka.

Xalqadan waxa aan kaga hadlay wacyiga caamka ah ee ku aadan aragtideena dhanka jacaylka, ka bulsho ahaan. waxa aan kaga hadlay muhiimada jacaylka iyo sida guud waxa uu jacaylku yahay.

Xalqadan xalqada xigta waxa aan idinkula wadaagi doonaa 3 nooc oo aynu jacaylka u dareeno, isu jeclaano ama dadku ay isu jeclaadaan. Waxa aan idinkula wadaagi doonaa kala duwanaan-shiyaha jacaylka iyo iinsaanku sida uu ukala dareemo aniga oo adeegsanaya maraaxisha wacyiga iyo qofka.

2023-11-07
Länk till avsnitt

5 wax oo kuu fududeyn doona in aad naftaada barato.| muhiimada is-barashada.|know thyself|

Xalqadani waxa ay ka hadlaysaa;
Fahamka guud ee is barashada, muhiimada ay leedahay is barashadu ama muhiimada ay qofka uleedahay in uu is bartaa, waxa kale oo aan kaga hadlay 5 wax oo samayntooda iyo yeelidoodu ay kuu fududayn doonto in aad naftaada barato hadii aad dabaqdo.

way ka badan-yihiin laakiin 5 ayaan u arkaa in ay aasaas u tahay kolka aad doonayso in aad naftaada wax ka barato.

2023-10-29
Länk till avsnitt

Waa maxay sababta aad dareen ahaan u daalan-tahay? | Emotional exhaustion |

Xalqadani waxa ay kaa caawin doontaa in aad fahanto sababta aad maskax ahaan ama dareen ahaan u daalan-tahay.

2023-10-20
Länk till avsnitt

Ruux kaste oo dareen ahaan daalayoow, way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa????

Marar badan dibad ahaan ama jidh ahaan in aynu u daalno ayaa dhaanta gudo ahaan in aynu u daalno.

Jidh ahaan marka aynu u daalno waxa aynu awood u yeelanaa in aynu gama.no, in aynu nasano iyo in aynu jiifka nafis ku dareeno, balse dareen ahaan hadaynu u tacabno?  hurdona inooma dhadhanto, jiifna kuma ladno, dhinaca aynu dhulka iyara dhignaana daalka inagama biiyo, fadhina nafis kuma dareeno.

In-badan oo idinka mid ahina waa hubaanti in ay dareemayaan, ama ay hore u dareemeen kolka ay arini ku timid ee ay xalna waayeen, haba ka gudbeene.

Xalqadan waxaan jeclaaday in qoraal ka mid ah qoraaladayda aan idinla wadaago haba yaraadee. 

Ruux-kaste oo daal gudeed, tacab dareen iyo nasiino la.aan gudeed dareemayoow way kuu hagaagi doontaa ilaahay idankiisa.

Waan ku jeclahay?

2023-10-14
Länk till avsnitt

Waa maxay wacyigu ? | Kala duwanaan-shiyaha qofka ogaalka leh iyo qofka aan ogaalka lahayn|"????? "

Wacyigu waa  urursiga khibradeed  ee isku gaadh gaadha ama isku biir biirsada ruuxa gudihiisa. Waa xaalada ay qofka afkaartu  caqligiisa ku kaydsanto, kadib ay afkaartaasi isu gadido khibrad.

xalqadan ayaan kaga hadlay qaybo ogaalka quseeya dhagaysi wanaagsan.

2023-09-30
Länk till avsnitt

Dhibaatada dad isla barbar dhiga | comparison problem.

Isla barbar-dhiga dadku

Waa xaalad dahaadh ka saari karaysa qofka bi.ni aadamka ah duwanaan-shiyihiisa, ama quruxda wax-yaalaha uu haystaa ay leeyihiin.

Waa marxalad ay tahay inta badan in aynu ka feejignaano, oo aynu la dagaalanno waayo waxa ay inta badan ka xayuubisaa, amaba shakhsiga ka qaadaa dhadhankii iyo macaankii uu ku heli lahaa ama ka heli lahaa intay fursaduhu u saamaxeen iyo wuxuu itaalkiisa taray ee uu awoodiisa qabsaday.

Ruux-kaste quruxbaa  gudihiisa ah, hadii uu is aamino.

Qof-kastena duwanaan-shiyaa dhexdiisa ah,

kolka uu qofba, qofka kale uu u ogolaado in uu duwanaan-shiyihiisa dibada keenana wax-yaabo kala duwan oo qurux badan ayaa ka soo dhex baxaya.

Kala duwanaan-shiyahaa wax qurxiya.

???

[ Is aamin oo duwanaan-shiyahaaga dibada keen, dadka kalena u ogoloow duwanaan-shiyahooda in ay dibada keenaan ].

2023-09-24
Länk till avsnitt

Dhibaatooyinka dareemada la kaydsado? | [Cabir dareenkaaga] Express your feelings and emotions.

Dareen kaste oo aan laysku caabbiyin, laysku celinin, oo dibada hawshiisa laysaga soo saaro waa la illaabaa.

Xalqadan waxa aan kaga hadlay  muhiimada ay leedahay in aynu dareenkeena cabirno, muhiimada ay leedahay in aynu tabashadeena isu gudbino, faa.idooyinka laga dhaxlo wax isu tabinta iyo dhibaatada ka timaada hadii aynu dareemada kaydsano, amaba aynu doorano in aynu isku cabudhino wixii aynu dareeno.

Is caabinta, dareen isku celinta, ka baqashada in ruux jilicsan lagu moodo hadii aad tabashadaada sheegto, iyo ma ogolaanshiyaha ah dibada in aad keento dareenka hadba cidhiidhyaya laabtaada ayaa sababa in uu dareenka cuslaynaya gudahaagu  sii joogo oo uu wakhti badan kula walaaloobo xal la.aan.




2023-09-16
Länk till avsnitt

Ku lifaaqanka dareen ee xanuunka inna bida | ?????? | Attachment.

- Xalqadani waxa ay kaa caawin doontaa Fahamka guud ee ku lifaaqanka dareen ee xanuunka qofka bidi kara ilaa heer uu is waayo (Attachment ).

- Waxa aan kaga hadlay wax-yaabaha aasaaska u ah amaba sababa in uu qofku wax jeclaado jacayl aan caafimaad qabin amaba uu dareen ahaan iyo afkaar ahaan si fudud wax, shay amaba cid ugu lifaaqmo illaa heer uu dhibaato ku muto.

-  Cidda aynu dareen ahaan ku lifaaqmi karno illaa xad aynu is wayno, hadii ay tahay xaasaska, waalidka, walaalaha, dadyowga aynu sheeko wadaaga nahay, saaxibada amaba wax-yaabaha kale ee aynu si uun ula dhaqano haday shaqo tahay iyo hadii ay wax-kale tahayba.

- Waxa kale oo aan kaga hadlay xalqadan Tusaalayaasha aad ku garan karto in aad jacayl caafimaad qaba wax jeclayn balse aad jacayl aan caafimaad qabin wax jeceshahay.

- Iyo sida aad isu caawin karto, amaba aad u yeelan karto wacyiga quseeya jeclaan-shiyaha aan fayoobeyn ee aad naftaada ku dhibaateyn karto, dadka kalena dhib uugu gaadhsiin karto.

2023-09-06
Länk till avsnitt

HORDHAC

Noloshuba waa safar ay hareero yihiin tijaabooyin,  tijaabooyinkaas oo aynu leenahay doorashada aynu wax kaga baranayno iyo doorashada ah in aynu iska noolaano, oo aynu door-bidno in aynaan waxba uga fiirsanin wax-yaabaha qadarku inala kulminayo iyo wax-yaabaha sida joogtada ah inoo soo maraya wakhtiga noolaan-shiyaheena.

podcastkan waxa aan idin kula wadaagi doonaa si qoto dheer qisooyinka noloshayda ee aan wax ka bartay iyo kuwa aan wax ka baran doono ee ogaalkiina wax ku dari doona.
waxa aan idiinku soo gudbin doonaa wax-kaste oo ka qayb qaatay in aan xaqiiqadayda noolaado, wax-kaste oo ii fududeeyay in aan duwanaan-shiyahayga hanto iyo wax-kaste  oo ii  sakhiray in aan la xidhiidho xikmada qalbigeyga iyo isla caalamka gudahayga.

waxa aynu si wada jir ah ugu dadaali doonaa in aynu ku noolaano nolol isku miisaaman dhanka jidhka iyo dhanka ruuxda  si aynu u helno nabad gudeed, daganaanshiyo iyo nolol wixii mashaakil ah xalkeeda la raadiyo, intii laga meeraysan lahaa in xaqiiqada la wajaho.
 


2023-08-16
Länk till avsnitt
Hur lyssnar man på podcast?

En liten tjänst av I'm With Friends. Finns även på engelska.
Uppdateras med hjälp från iTunes.